Waa Kuwee Shaqaalaha Ka Hawl Gala Madaarka Hargeysa Ee Ay Dawladda Soomaaliya Ka Joojisay Lacago Ay Siin Jirtay

0
Monday April 13, 2020 - 16:02:08 in News by
  • Visits: 3733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuwee Shaqaalaha Ka Hawl Gala Madaarka Hargeysa Ee Ay Dawladda Soomaaliya Ka Joojisay Lacago Ay Siin Jirtay

    Waa Kuwee Shaqaalaha Ka Hawl Gala Madaarka Hargeysa Ee Ay Dawladda Soomaaliya Ka Joojisay Lacago Ay Siin Jirtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuwee Shaqaalaha Ka Hawl Gala Madaarka Hargeysa Ee Ay Dawladda Soomaaliya Ka Joojisay Lacago Ay Siin Jirtay


Hargeysa(HWN):-Qaar Ka Mida Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa shalay Baahiyay warar ay ku sheegeen in Dawladda Soomaaliya ay Lacago ka joojisay shaqaale ay sheegeen in ay hore uga hawl gali jireen Madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay xuseen in ay hore dawladda Somaliland uga joojisay mushaharo ay qaadan jireen.

Maamulihii Madaarka Hargeysa Oo Xilka Laga Qaadey Iyo Masuul Cusub ...


Sida ay warnaahinta Muqdisho shalay baahisay Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaqaalahan ka howl-gali jiray Madaarka Hargeysa uga jaratay mushaharkii sabab ay ku sheegtay ‘dhaqaalo xumo soo food saartay oo ka dhalatay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus’, sida lagu sheegay waraaq loo diray shaqaalahaasi oo nuqul kamid ah ay warbaahintu heshay.


Shaqaalaha dowladda Farmaajo ay ka jaratay mushaharka ayaa xilli hore laga caydhiyay Madaarka Hargeysa, kadib markii ay xukuumadda Madaxweye Muuse Biixi la xidhiidheysay dowladda Soomaaliya oo ay mushahar ka qaadan jireen ayaa lagu yidhi warkan. Shaqaalahan ayaa muddooyinkii dambe qaadanayey mushaharkooda, iyaga oo aan wax shaqo ah ka qaban Madaarka Hargeysa, maadama ay xukuumada Madaxweyne Biixi hore uga caydhisay shaqadii ay ka hayeen madaarka, balse ay lacagtooda ka helayeen dowladda federaalka, iyagoo ku sugan gudaha magaalada Hargeysa.


"Maamulka duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA) ayaa wajahaya dhibaato dhaqaale oo daran iyadoo dakhliga Muqdisho FIR uu hoos u dhacay cudurka Coronavirus awgii. Tani wax saameyn ah kuma yeelan dakhliga SCAA oo kaliya, laakiin sidoo kale waxa uu meesha ka saaray 75-milyan oo shaqooyin oo xaga duulista iyo dalxiiska ah ee daafaha dunida oo dhan” ayaa lagu yidhi Waraaqdaasi oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.


Waraaqdaasi ka soo baxday Agaasimaha Hay’adda Duulimaadyada Maamulka Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in Hay’addu ay sameysay waxkasta oo suuro-gal ah sidii ay shaqada ugu sii jiri lahaayeen Shaqaalahaasi laga caydhiyey madaarka Hargeysa, xilli aanay wax shaqo ah ka qaban karin Madaarkaa Hargeysa ee Somaliland.


Shaqaalahan ayay maamulka Farmaajo ku sheegeen kuwo hore uga mid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), ee dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka hawada dalkaasi.


Warbaahinta Muqdisho ee warkan shalay baahisay ayaa sheegay in shaqaalahan tiradoodu dhantahay 42-shaqaale oo Madaarka Hargeysa ka kala qaban jiray shan shaqo inta aanay xukuumadda Somaliland hore uga joojin shaqada, kuwaasi oo iskugu jiray; Maamulka macluumaadka hawada, Saadaasha Hawada, Hagidda diyaaradaha, Parking-garaynta diyaaradaha iyo Dab-damiska. Mushahar joojinta ay dowladda Muqdisho ku sameysay Shaqaalahaasi ayaa dhaqan-gali doonta 1-da bisha May,2020, sida lagu sheegay waraaqda war-gelinta aheyd ee loo kala direy shaqaalahaasi.

 

Loading...
Loading...