Qisooyinka Nolasha.
Waxan u raaxeyey jidhkeyga iyo nafteydaba,
waxanan u ogaledey sameynta wax walba oo ay jeceshehy
Waxan ku noolahey kalinimo tan ugu xun, maxey sheegeysa hantida, magacaga iyo maalka aan tabcey oo dhami
Hadii aanan awoodin in aan soo siisto hal wiil oo faruuran xita ?
Hadii aanan awoodin in aan soo siisto hal wiil oo faruuran xita ?
Dhab ahaantii dunidan aynu ku nool nahey waa duni aad u layaab badan
Dhacdooyinka uga dul-dhacaya sida maalin-laha ina waa kuwo kaga tagaya maskaxdad raadeyn aad u weyn, kana dhaxleysid wayo-aragnimo nafed iyo mid nolaled labadaba. Waxan jacleystey in aan idinla wadaago mid ka mid ah qiyoosinka noolasha kuwooga ugu xanuunka badan.
Dhacdooyinka uga dul-dhacaya sida maalin-laha ina waa kuwo kaga tagaya maskaxdad raadeyn aad u weyn, kana dhaxleysid wayo-aragnimo nafed iyo mid nolaled labadaba. Waxan jacleystey in aan idinla wadaago mid ka mid ah qiyoosinka noolasha kuwooga ugu xanuunka badan.
Waxa rajeyna in aad ka dheefi doonto waayo-aragnimo, kuna noqon doonto hab iyo hanan ku fududey noolasha.
Waxey ku bilowdey iyada oo qalbiga igala hadeysa qalbi kan ugu runta badan.
"Noolasheydu bilowgii waa mid ku bilaabmatey badhaadhe nolaled oo
aan la sawiran kari, waxan ka dhashey qof soomaliyed kan ugu wanagsan,
Waxan ka dhashey qoys aqoontu tahey waxa ugu weyn ee qofka lagu qiimeyo,
waxanan nasiib u heley in aan galo jaamacadaha dunida ugu wanagsan
aniga oo bartey aqoon iyo xirfad tan ugu wanagsan, waxanan shaqo
bilaabey aniga oo aan gaadhin heerka shaqada ku bilaaban dadka badan
koodu.
Waxan xogheyn ka noqdo UN, waxanan u raacey wadamo badan oo ka
tirsan dunidan, aniga oo la dhaqmey dadyow kala duwan, kuwaasi oo ahaa
kuwo aan ka dheefey waayo aragnimo nolaled oo aad u weyn.
Waxan u raaxeyey jidhka aad hada arkeyso in uu aad u gaboobey,
maalmihii ugu wacna ee nolashiisa !, Waxan soo qatey raaxo jidhed iyo tu
nafeed tan ugu qalisan
Quruxdeyda iyo gabadhnimadeyna waxan uga faa'ideyey tiro badan oo rag ah.
Quruxdeyda iyo gabadhnimadeyna waxan uga faa'ideyey tiro badan oo rag ah.
Waxanan ilaabey hal shey kaasi oo ah ku aad ugu muhiinsan nolalasha .
Hal shey oo hadii aan sameyn laha maanta igu kalifilahaa in aan farxo in badan oo nolasheyda ah. Hal shey oo anan hada qoomameyn noolasheyda hadii aan hore u sameyn.
Hal shey oo hadii aan sameyn laha maanta igu kalifilahaa in aan farxo in badan oo nolasheyda ah. Hal shey oo anan hada qoomameyn noolasheyda hadii aan hore u sameyn.
Waxan ilaabey in aan Gursado noolasheydan u sameyo raqiif, si aan u
helo haydayada ugu qalisan ee dunida tala oo ah UBAD, Waxan arkey aniga
oo 61 jir ah sidii aan uga daba cararaayey lacag iyo hanti aan tabco.
Waan tabcey, maxansey ka faa'idey?
Waan tabcey, maxansey ka faa'idey?
Maalka aan heysta muxu i sheegaya hadii anan awoodin ku iibsashada hal wiil oo faruuran?
Gurigan aan hada ku jirno waad arkeysa sida aan u qurxiyey, waad
arkeysa in aan gudihiisa soo dhigey wax walba oo naftu ku raaxeysato,
Waxanse ka ilaabey hal shey oo ah Ubad, kaasi oo hadii ay maanta joogi
lahayen qurxin laha qurux tan ugu qaalisan.
Waxan u sheegey ENG dhisayey in uu u sameyo afar hurdo, oo anan heynin cidi ku seexan laheyd.
Waxey bilowdey in aad oydo
Iyada oo ooyeysa ohin tan ugu runta badan, dareemeysidna ilintani in ay tahey tu ka soo go'aysa qalbigeyda.
Iyada oo ooyeysa ohin tan ugu runta badan, dareemeysidna ilintani in ay tahey tu ka soo go'aysa qalbigeyda.
Ilin qubatey baa tidhi" waxa ahey hadal la arko balse aan la
maqlin, waxan cabira boqolal kalmadod aniga oo u soo koobaya hal Ilin oo
kaliya, waxa i adeegsada dadka wayey hadalo ay ku cabiran waxa ay
dareemanaya, waxan u adeega qof kasta oo la dulmiyo, la dhibo iyo mid
kasta oo dareemaya cidhidh nolaled"
Dhibicdii Ilinta aheyd ee ila hadleyse waxa ay rabtey in ay sharaxad badan ka bixiso nafta ay qeybta ka tahey
Lknse waxan wayey awood aan ku dhageysto, waxanan ka dalbadey in ay inta igu joojiso.
Lknse waxan wayey awood aan ku dhageysto, waxanan ka dalbadey in ay inta igu joojiso.
Waxan bilaabey in aa la hadlo iyada, kuna idha hadal kaasi oo ugu
yaran u noqon kara qalbi qaboojin, In kasta oo aan hubo in aanu waxba ka
tareyn fariimaha uu qalbigu sida tooska ah ula wadaago maskaxda si
maalin lahaa.
Waxan u idhi; Hooyo, i ogalow in aa ahaado ku si qoro dheer u gala
qalbiga, kan fursad u hela in uu kula qeybsado wakhtiga farxada iyo
murigadaba, Waan ogahey ma buuxin karo booska aad dooneyso, ee waxan
awooda in aan maalintii ku siiyo hal sac oo farxad ah, kuna ahaado
weheyl iyo wiil aad dhashey oo kale. Waxan awooda in aan ku adeego inta
cimrigaga ka hadhey oo dhan, aniga oo aan hunguri igaga jirin hantidan
iyo maalka adiga xagaga ahadey.
Waxa ay ooydey oohin aad u weyn, waxa ay i galisey laabta Iyada oo
i leh; "Ma kaa dhaba, waxad ila joogeysa sanadaha kooban ee ka hadhey
cimrigeyga?"
Waxan ku warceliyey aniga oo aad u qiireysan, qalbiguna yahey ku
aad i xanuunaya. Waxanan ku idhi; Waxan ku balan qadaya in aan kula
joogo kana war-yahow inta nolashada ka dhiman oo dhan.
FG: ficilada iyo fikrahada ku jira sheekadani ma aha mala'awal iyo gacan ku rimis, ee waa xaqiiqo dhab ah oo dhacdey.
,
Waxa qorey: Mustafa Mahad Hussein
Email: [email protected]
Waxa qorey: Mustafa Mahad Hussein
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...