Labadda Qaydhinka Ku Qayb-sadaa Bisaylka Bay Isku Qabsadaan ( Abdi-Shotaly).
(a) Jeegaan bari, waxay u yaacday muqdisho, waxay u kala baxeen qaar isu soo sharaxa madaxnimo, taas oo ay ummadda reer somaliland oo isu dhami-ba, ay hore uga wayday wixii la isku odhan jirey Somaliya, bay maskax-doodda imika is leeyihiin wax baad ku helaysaan jifo ahaan ( Saw aqoon xumo) iyo cid gaar ah ku xumee maaha.
(b) Qaar kale waxay ku dareereen " Muqdisho" markii ay ka waayeen khiyaamaddii lagu wadda socday " Raggii ma adigaa ka hadhay" iyo Jeengaan Galbeed, kuwaasina xil raadis bay ugu galeen " Daba-gaale Farnmaajo ( Waa ka mareexaane).
(c) Dar kale-na waxay qurbaha ka abuureen ururo ay ugu magac dareen "Mar kale iyo midnimo" Saw xaalku markaas mari mayao " Kud ka guur oo qanjo u guur" Waxa halkaas geeyey wax kale maaha, ee wixii la welfay baa la waayey, ka meesha ka joogaana, ee magacoodda ku ceeshaana " Waa Geenyo shaaximane" Isna mid geeriddii nebiga (CSW) og maaha iyo axa la kala macaashaayo, ee waa mid uu iska wato " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo isagu aan wax u tari karin, askariga kale-na ku odhana karin, haba-yaraatee waxaasi waa khalad, ee siddii ilma yar oo uu dhalay amar u siiya, kuna yidhaaha maxaad rabtaa waxan kuu dhiibay arimaha gudaha'e. Waxa uu meesha ka saaray Askariga "Reer Samatar" oo uu nafta u xarfiyey, xataa in aanu siinayn Gudoomiyaha Xusbiga Qudhmiye, oo dhabo buu ka mariyey cad. Waad og-tihiin in Maxamuud beenaale ( waa kaad maxamuud xaashi ugu yeedhaane), oo ah ninkii dalka iibiyey, uu ku yidhi cirka soo leef ma jirto gudoomiye lagu siinayaaye., kaasina uu wkhtigan cidla jaflaysa-naayo, Saleebaan Gaala wax-ba u tari kari waayey.
Waxa la yidhi "Labadda Qaydhinka ku qayb-sadaa, bisaylka bay isku qabsa-daane"Imikay bay ka dhex qaraxsan tahay jeegaan, oo markii hilbihii la dhameeyey, ay dhiigii iyo dheecaankii isku haystaan anaa cabaaya iyo aniga ii daa markan, waa adigii hore uga soo go'ay sidda gafanaha'e. ee bal yaa u gar qaadi, dagaal ah qanji-dhaddii hadhay ciddii feenan lahayd, baa hadeer dhex taala'e. Isku soo celi oo reerkii ahaa Jeegaan bari, hor ilaaahy buu ka taagan yahay Maamulkii ay ugu dhiibeen xaaraanta. weliba ay godobta ku galeen, ee ahaa ka ilaalinta Arab, Garxajis iyo Samaroon. Waxa la yaab leh, Kii la odhan jirey "Ku Madaw" ee cunaabiga sidda habalaha xidhan jiray, oo isna waayey wixii uu u bartay, ama ku cuni reer hebel, ka dib intuu xayn yar oo cumaamado sidata hor galay yidhi, waxan doonayaa in aan cumaamaddii dhaqanka intaan tuuro ( Ilayn wax ku cuni waaye), aan qaato shanadad weyn iyo qalin, oo aan tii siyaasadda ahayd ka qayb qaato siiba" Wadda hadaladda Somaliland iyo Somaiya" Waxa-se is weydiin leh " Tii uu kuusha u soo xidhan jirey xagee buu dhigay, ee uu odhan jirey Hunguri-dhaqmeed baan u ahay", ee kolba uu isku diri jirey Beesha H. Jeclo Iyo Garxajis. Waxan filayaa in ay taasina isi soo xidhay, oo ay labadii beelood ee uu isku xudhuudhin jirey ku af garteen, dabeed xaajo uu wax ku cuno markuu waayey, uu is yidhi halkan bay ka qoyan tahay " Siddii shimbirtii tidhi" Shimibir garab li'i wax ma garatee, bal xagan u gudub" Waase uu ku saaqiday, haday birtu saaran tahay, siddii wan inta la jiifiyey, mididdii la kor hayo lagu qali lahaa. oo uu leeyahay yaa kaa kor qaadda, intaan bisinka laguu qaban ee aan birta lagu saarin.
* N.B Labadda Xaaraanta Ku heshiiyaa, Xalaasha Bay Isku Qardoo-faan !
Qore;- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!