"Somaliland Waxaan Ku Nacay Caddaalad Yaraanta" Mujaahid Cali Guray.

0
Monday April 13, 2020 - 10:06:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Waxaan Ku Nacay Caddaalad Yaraanta" Mujaahid Cali Guray.

    "Salaadiintu Waa Niman Lagu Saan Gatay Oon Raadba Soo Gelin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Salaadiintu Waa Niman Lagu Saan Gatay Oon Raadba Soo Gelin"


Hargaysa (HWN) Mujaahid Cali Guray oo kamid ah Mujaahidiintii usoo dagaalamay Somaliland ayaa sheegay in cida dhibta kuhaysa Somaliland aanay ahayn Salaadiinta ee ay yihiin qolyaha uu ku tilmaamay doorasho diidka oo uu ku macneeyay labada Gole ee Baarlamaanka.



Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in salaadiintu yihiin Niman lagu saan gatay oon raadba soo gelin, waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu kuleeyahay Facebook, qoralka oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-


Somaliland waxan ku nacay caddaalad yaraanta. Salaadiinta laga qaylinayaa Somaliland inta ay yeeleen Baarlamanka Somaliland wallaahi billaahi in aanay yeelin.

 

Somaliland hadii run la doonayo Ilaahayna laga baqayo kuwa hoojiyay ee qayrkeed iyo qayr xigeenkeedba ka reebay maaha Salaadiin ee waa doorasho-diidka oo ay kow ka yihiin kuwa labada aqal ee Baarlamanku. Salaadiinta ka hadashay wadahadalka Somaliland iyo Somalia oo aynu ognahay in aanu jirin kii hore ee jirayna uu burburay waa maxay hadalkoodu dhibaatada uu Somaliland gaadhsiiyay ee ka wayn ta ay gaadhsiiyeen doorasho-diidka ii kordhi aan kuu kordhiyo iyo adna kordhiso labaatan sanadood ku soo waday Somaliland ee intaa loogu soo dulqaadanayay.

 

Kuwa salaadiinta hadalkooda ay kaga dhegtay maqlimaysid iyagoo mar keliya runta ka sheegaya dhibaatada doorasho-diidka wakiilada iyo guurtida. Ninka aan kuwaa dhibaatadooda waxba ka sheegi karin aniga waxba yuu ugu yool habaabin salaadiin hadlo yidhi wax ficil ah oo haba yaraatee ay ku kaceenna aanu jirin.

Loading...
Loading...