Robert Muleur Kuwa U Dhigma Amma Ka Sarreeyaa Ee Reer Somaliland Ahi Ha U Xiniinyo Kacaan In ay Ka Gun Gaadhaan Arrimahan…W/Q Rashiid Sulub Caalin

0
Saturday April 06, 2019 - 17:58:52 in Articles by
  • Visits: 1837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Robert Muleur Kuwa U Dhigma Amma Ka Sarreeyaa Ee Reer Somaliland Ahi Ha U Xiniinyo Kacaan In ay Ka Gun Gaadhaan Arrimahan…W/Q Rashiid Sulub Caalin

    Robert Muleur Kuwa U Dhigma Amma Ka Sarreeyaa Ee Reer Somaliland Ahi Ha U Xiniinyo Kacaan In ay Ka Gun Gaadhaan Arrimahan…W/Q Rashiid Sulub Caalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Robert Muleur Kuwa U Dhigma Amma Ka Sarreeyaa Ee Reer Somaliland Ahi Ha U Xiniinyo Kacaan In ay Ka Gun Gaadhaan Arrimahan…W/Q Rashiid Sulub Caalin

 


Sidaynu ognahay, Waddankan Somaliland wuxuu la daalaa-dhacayaa dhibaatooyin fara badan oo dhinac walba leh. Runtii, wax kasta oo dhibaato ku ah bulshada waxa lama huraan ah in la xaliyo, isla markaana laga faa’iidaysto waqtiyada is beddelaya oo la derso lagagana daydo sida aduunyadu uga gudubto dhibaatooyinka hor taagan. Sidoo kale, dadkeena wax bartay waxa looga baahan yahay inay ku dabakhaan oo ay uga faa’iideeyaan Dalkooda iyo Dadkooda sidii ay uga saari lahaayeen wixii dhibaato ku ah oo ay ugu hiilin lahaayeen ummaddooda dhinac walba ay duruufuhu aad u adag kaga xeeran yihiin, isla markaana uu Cilmigoodu uu wax anfacaa, haddii uu cilmigoodu wax anfaci waayana wuxuu noqonayaa khasaare toban jibaaran.

Image result for rashiid caalin


Robert Mueller, waa Garyaqaan u dhashay Dalka Maraykanka, waxaana 2-dii sannadood ee u dambeeyey uu ka shaqeynayayey iyadoo madaxbanaani buuxda uu haysto, inuu baadho oo uu warbixin buuxda ka keeno shakigii laga shakiyey in Dowladda Ruushku ay lug ku lahayd Doorashadii 2016-kii ka dhacday Dalka Maraykanka oo ay ka dambaysay guushii uu ka gaadhay Donald Trump doorashadaas Madaxweynaha Maraykanka. Tan iyo waqtigaas Robert Muluer wuxuu ka shaqeynayey oo baadhayey ogaanshaha in Ruushku qeyb ka ahaa waqtigii ololaha iyo markii doorashadu dhacaysayba inuu faro galin iyo wax is daba marin ku sameeyey. Baadhitaanada noocan ahi waxay si jootgto ah uga jiraan Waddamada Dimuqraadiga ah, waana talaabo muhiim ah oo lagu ogaado laguna saxo masuuliyiintu qaladaadka ay galaan amma lagu taageero wixii ay saxaan. Sidoo kale, waxa lagu hubiyaa in siyaasadda Waddamadaas lagu hagayaa ay ku socoto tubtii hagaagsanayd iyo in ayaan la majaro habaabiyey istiraatijiyaddii Waddanka lagu hagayey.


Haddaba, Dalkeena waxa jira intii Waddanka la soo galay in la saaray Gudiyo faro badan oo loo igmaday inay ka gun gaadhaan sida Waddanku u socdo iyo siyaasadda lagu socdo inay tahay tii ku habboonayd. Baadhitaanadaas guddiyadaasi qabtaanna way leeyihiin in qaarkood dadweynaha loo soo bandhigo qaarkoodna aan la soo bandhigin. Sida aad igu waafaqi doontaan badankiinu, ma jiraan wax ka soo baxa amma laga midho dhaliyey oo inoo muuqdaa. Waxaana la odhan karaa, tacabkii maskax iyo maalba lahaa ee la galiyey guddiyadaas la iska magacaabo waa hal bacaad lagu lisay.


Marka intaas laga yimaaddo, runtii waxaynu haysanaa Waddan ahaan dad rag iyo dumarba leh oo wax bartay amma aqoon iyo hibo gaar ah Ilaahay siiyey oo daacadnimo, karti iyo aqoonba isku darsaday oo Robert Muleur oo kale ah amma kasii wanaagsan, oo haddii la siiyo tansiilaadka ay u baahan yihiin oo dhan, isla markaana ay iyagu dadkaasi ka fayoobaadaan wixii Soomaali dib u dhigay oo ay ka mid tahay qabyaalad, reeraysi, xaasidnimo, kooxaysi iyo danaysi gaar ahba, waxa la odhan karaa waxay ka midho dhalin karaan waxyaalaha loo baahan yahay in laga gun gaadho. Kuwaasi oo loo baahan yahay in darsaan oo ay xog buuxda ka keenaan qaddiyadaha ina hadheeyey ee u baahan in la saxo.


Sababaha aynu ugu baahanahay in ay wax ka ogaano waxyaalaha nolosheena iyo Dalkeenaba saameeya waxa ka mid ah.


1. In la helo isla xisaabtan Dad ahaan, maadaama aanu Qaran dhismi Karin haddii aynaan la xisaabtamin Masuuliyiinta inoo igman waxaanay noqonaysaa Qaranimadeenu hal bacaad lagu lisay.


2. Inaynu dawayno cudurkan ina haya ee dareen la’aanta ah wax kasta oo nolosheena soo mara aynu u qaadaneyno caadi ama aynu danba ka laheyn.


3. In jiilasha inaga dambeeya aynu u sii jeexno maskaxda odhanaysa masuulnimadu waxay tahay iyo isla xisaabtanku.


Sidaa awgeed, waar yaa tol ah, waar yaa garasho igu gargaaraya oo igu waafaqaya Dan-guudnimo, isla markaana isku xil-saaraya inay ka mid noqdaan guddiyadan ay ila tahay in ay lama huraan yihiin in loo saaro qaddiyado aan looga maarmayn inaynu Waddan ahaan ka gun gaadhno waxaana ka mid ah qaddiyadahaasi.


1. Sidaynu ognahay, maalkii Dalkeena iyo nolosha Dadkeenaba waxa cuuryaamiyey Qaad/Jaad, iyadoo ay maalin walba lagu shubo boqolaal kun oo Dollar oo ay Waddamo kale gasho. Sidaa awgeed, 30-kaas sannadood ee aynu la soo noqonay madax-banaanideena oo aynu Dowlad ahayn waxa is waydiin leh sababta aynu Itoobiya uga soo iibsano Jaad maalin walba, isla markaana ay boqolaal malyan Dollar ku baxaan sannadkii oo haddana ay Dowladdihii ina soo maray Somaliland ay ugu qasbi ama fursad qaali ah ugu faa’ideysan waayeen in Itoobiya ay iyaduna inaga qaadato Kalluunka & Milixda oo ay baahi weyn u qabto oo ay bad la’aan tahay. Markaa waqtigan waxa loo baahan yahay Guddi heer sare ah oo arrintaas ka soo gun gaadha, iyadoo aynu haysano aqoontii, khayraadkii iyo Dowladnimadiiba oo ay Dowladda Itoobiyana aanay muujin wax diidmo ah oo toos ah.


2. Sidaynu ognahay jeelasheena waxa ku jira boqolaal qof oo loo haysto Dil, oo haddana aan badankooda laga gaadhin xal kama dambays ah, iyadoo ay ahayd in dil lagu fuliyo amma mag laga kala qaato amma Dowladda iyo shicibku ay ka bixiyaan wixii mag amma ganaax loo haysto. Waxaana muuqata inay dhib weyni ka jirto arrintaasi, iyadoo aynu nahay dad Islaam ah oo aynu Dowladnimadiina haysano, isla markaana aynu haysanno dhaqankii ay reeruhu ku kala bixi jireen. Sidaa awgeed, waxa lama huraan ah in la saaro guddi cilmi iyo garasho leh oo arrintaasi ka soo gun gaadha, isla markaana maaraysa sidii xal looga gaadhi lahaa dadkaas xukuman.


3. Sidaynu ognahay, intii aynu Waddanka ku soo noqonay waxa Dalka loogu yimi Dhismayaal iyo dhul banaan oo Dan guud oo hanta Qaran ah oo kumaanaan gaadhaya, oo badankooda sifo sharci darro ah lagu xalaalaystay oo ay dad iska haystaan, iyadoo guryaha Danta guud ah dadka qaar ay sagxadda la simeen wax ay u qabtaan iska daaye,horteena inagoo arkeyna. Waxaana loo baahan yahay guddi heer sare ah oo loo saaro.Sababta aynu ugu wada faa’deysan weyney ee ay isku keen khashadeen qaar ka mid Maalqabeynu aan tudhin ,siyaasi arxan laheyn,madaxdhaqmeedo gaar ahoo Caloolshooda u shaqeystayaal ah,mid madax ka ah oo xafiisiyadda dawladda oo qalinka wax ku xada,dilaaliin iyo qaar ka mid ah askartii la rabay in ay illaaliyaan Hantida qaranka oo abayashood iyo walaaladood ahayeen mujaahidiintii u dhintay in ay dhaliyeen Dawlad dadnimadu HAYBED LEEDAHAY nasiib daro taasina mey iman.


Qodobadaas aan ku xusay oo taabanaya aqoonteena, raganimaddeena, garashadeena, dhaqankeena, Diinteena, Dowladnimadeena iyo shaqsiyadeenaba, oo aynu ka war hayno carruur iyo cirrooleba, oo haddii aynu sii eegano ay saamayn laxaad leh ku yeelanayso jiritaankeena dambe oo ay iska sii dhaxli doonaan jiilkan jooga, jiilka soo socda iyo kuwa ka sii dambeeyaaba.


caqligooduba shaqaynayso waxa loo baahan yahay in wax laga qabto oo la darso dhibaatooyinka inagu xeeran si aynaan meel cidlo ah ugu dhicin.Waxaana muhiim ah inaynu isku sheegno runta oo aynu kala doorano Dowladnimo iyo Dowladnimo la’aan


Robert Muleur Kuwa U Dhigma Amma Ka Sarreeyaa Ee Reer Somaliland ahi Ha U Xiniinyo Kacaan In ay Ka Gun Gaadhaan Arrimahan.

F.G . Qoraalkani wuu ka fayow yahay ceebeyn iyo xagxagasho dad gaar ah habayaraatee.

Qallinkii: Haldoor Rashiid Sulub Caalin

Hargeysa, Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...