Ra'iisalwasaaraha UK Oo Laga Saaray Isbitaalka

0
Monday April 13, 2020 - 08:56:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisalwasaaraha UK Oo Laga Saaray Isbitaalka

    Ra'iisalwasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray isbitaalka kadib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisalwasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray isbitaalka kadib

 markii laga daweeyay xanuunka Coronavirus, balse durbaba shaqada kuma laaban doono, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa.


Mr Johnson, oo 55 sano jir ah, ayaa lseexiyay sibitaalka St Thomas' hospital, ee ku yaalla magaalada London Axaddii - 10 malamood ka dib markii laga helay fayraska Corona.



Muddo 3 habeen ah ayuu ku jiray qeybta xaaladda deg degga ee la geeya dadka ay xaaladooda caafimaad aad u liidata.


"Iyadoo laga duulaya talada dhakhaatiirta, ra'iisalwasaaraha si dhakhse leh shaqada uguma laaban doono. Wuxuu aad ugu mahadcelinayaa shaqaalaha isbitaalka oo siiyay daryeel aad u wacan", ayaa lagu yiri war qoraal ah o ka soo baxay xafiiskiisa.


Ra'iisal wasaaraha saaxiibtii, Carrie Symonds, oo xaamilo ah ayaa barteeda Twitter-ka waxa ay ku soo qortay: " Waxaan u mahadcelinayaa qof walba oo fariin taageera iyo naxariis ku dheehan tahay ila wadaagay. Maanta waxaan dareemayaa inaan aad u nasiib badannahay".


Xoghayaha arrimaha dibedda Dominic Raab ayaa hadda ku sime u ah Boris Johnson, waxaana la rajeynayaa in ra'iisalwasaaruhu shaqada ka maqnaan doono muddo bil ah.


Mr Johnson' aabihii, Stanley Johnson, ayaa ku baaqay in wiilkiisa uu wakhti badan oo nasasho ah qaato.


BBC

Loading...
Loading...