"Waa Been Cad Oo Aan Waxba Ka Jirin…" Wasiir Faratoon Oo U Jawaabay Afhayeenka WADDANI

0
Sunday April 12, 2020 - 19:35:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4528
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Been Cad Oo Aan Waxba Ka Jirin…" Wasiir Faratoon Oo U Jawaabay Afhayeenka WADDANI

    "Waa Been Cad Oo Aan Waxba Ka Jirin…" Wasiir Faratoon Oo U Jawaabay Afhayeenka WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa Been Cad Oo Aan Waxba Ka Jirin…" Wasiir Faratoon Oo U Jawaabay Afhayeenka WADDANI

Hargeisa(HWN)Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka beenniyay eeddayn uga timid Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, oo Wasiirka ku eeddeeyay innuu dalalka dibadda ka soo laabtay, isla markaanna uu gurigiisa iyo shaqaddiisa si caadiya ugu dhaxeeyay, iyaddoo aan la karantiimayn sida dadka caadiga-ba la sameeyo.



"Arrimahaas waxaan ka odhanayaa waan maqlaayay Nin ka hadlaaya, arrimahaasi qaar waa Been cad oo aan waxba ka jirin oo ku tusaysa Xilkasnimadda iyo Miisaanka uu leeyahay qofka waxaas ka hadlaaya, kuwa kalenna sida uu u sheegaayo umma wada jiraan oo taas lafteedda Been baan ku sheegi karraa. Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Anigu kama soo deggin Maddaarka Cigaal, in dhawaydna maan arkayn wax diyaaradda oo ka soo deggaysa Maddaarkaas." Ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo waraysi siiyay telefishanka Bulsho tv, ayaa la waydiiyay halka uu isagu (Waa Wasiir Faratoonne), uu dalka ka soo galay, waxaannu yidhi

"Anigu dalka waxaan ka soo galay Xadduudka Wajaale, magaaladda Addis ababa ayaan diyaarad ku imid, markaa afar casho ayaan Karantiil ku jirey ama aan Maxbuus ku ahaa hotel ku yaalla magaalada Addis ababa, dabaddeedna dawladda ayaa garatay inay i soo fasaxdo, markaa gaadhi ayaa la i soo siiyay goor habbeenimo ah ayaan Wajaale ka soo gudbay, markaa gurigayga ayaan tagay oo aan isku xidhay, waanna Sharci uu caalamka oo dhammi ogol yahay.

Xafiiskayga waxaan tagay maalintii labaad oo aan u baahday Lapton aan ku shaqaynaayay, waxaannan ahaa kaligay, xafiiskanna waxaan ugu tagay Wasiir ku-xigeenka iyo ruux kale labaddaas na iskumaanu soo dhawaan ee waannu kala durugsanayn, markaa Inankaas hadlaayay waxaad mooddaa in shaqadda loo siiyay innuu wax caayo oo canjarafeeyo uun." Ayuu yidhi Wasiir Faratoon

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...