Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Oo Daah-furay Barnaamij Wacyigelineed

0
Sunday April 12, 2020 - 19:10:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Oo Daah-furay Barnaamij Wacyigelineed

    Hargaysa(HWN):-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa maanta

Hargaysa(HWN):-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka daah-furay barnaamij wacyigelineed oo la xidhiidha ka diyaar garawga xanuunka Covid-19.

Barnaamijkaasi wacyigelinta ah oo ay hay’adda ANPPICAM ka fulin doonto qaar ka mida xaafadaha degmooyinka Hargaysa ee ay ku nool yihiin dadka barokaceyaasha.



Waxaana furitaanka barnaamijkaasi ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, masuuliyiin ka tirsan waaxda fayo-dhawr ee wasaaradda caafimaadka iyo masuuliyiin ka socday hay’adda ANPPICAM.

Mahdi Cismaan Buuri, wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland oo barnaamijkaasi si rasmiya u furay ayaa sheegay in Somaliland ay weli ka bed-qabto xanuunkaasi, marka laga reebo laba qof oo hore looga helay Covid-19.

Waxaanu bulshadda kula dar-daarmay in ay ku dedaalaan dhamaanba waxyaabaha lagaga gaashaamanayo caabuqa Corona Virus, sida nadaafadda iyo isticmaalka saabuunaha iyo daawooyinka.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...