Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay War Ka Soo Baxay Isbahaysiga Wadamada Gacanka Carbeed

0
Sunday April 12, 2020 - 16:50:43 in News by
  • Visits: 3007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay War Ka Soo Baxay Isbahaysiga Wadamada Gacanka Carbeed

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay War Ka Soo Baxay Isbahaysiga Wadamada Gacanka Carbeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay War Ka Soo Baxay Isbahaysiga Wadamada Gacanka Carbeed


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay war ka soo baxay wadamada isbahaysiga samaystay ee gacanka carbeed.




War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada federaalku ay si weyn u soo dhawaynayso baaq ku wajahan kooxaha isku haya awooda dalka Yemen oo loogu baaqay laba todobaad oo xabad joojin ah. ”


Warka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada soomaaliya ayaa lagu yidhi " Dowladdu ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo.


Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerradeeda dhammaystiran ee Dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres.


Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay xaqiijinaysaa Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.

Loading...
Loading...