Afhayeenka WADDANI oo Tallooyin u soo jeeddiyay Kornayl Biixi Iyo Guddiga ka hortaga COVID19

0
Sunday April 12, 2020 - 16:35:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka WADDANI oo Tallooyin u soo jeeddiyay Kornayl Biixi Iyo Guddiga ka hortaga COVID19

    Afhayeenka WADDANI oo Tallooyin u soo jeeddiyay Kornayl Biixi Iyo Guddiga ka hortaga COVID19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka WADDANI oo Tallooyin u soo jeeddiyay Kornayl Biixi Iyo Guddiga ka hortaga COVID19

Hargeisa(HWN):-Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa Xukuumadda u soo jeeddiyay tallooyin dhawra oo Xaaladdan lagu jiro wax badan ka tari karta haddii dhugmo loo yeesho, waxaannu farta ku fiiqay ilduuf badan oo ku jira Guddiga ka hortaga Caabuqa COVID19.


Afhayeen Barkhad oo Shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargaysa, waxa uu dhawr su'aal waydiiyay Madaxweyne ku-xigeenka Mr Saylici oo Guddoomiye u ah Guddiga ka hortaga CORONAVIRUS, waxaannu yidhi


"Waxaan doonnayaa inaan Ummadda reer Somaliland si guud ugu baaqo, iyagoo mid ah oo wada-jira. Adduunkii waxa hala-keeyay Xanuunkan la yidhaahdo COVID19 oo sida kaliya ee looga hortagi karraana waa innagoo dad ahaan iyo dawlad ahaan-ba heeggan buuxa galna.

Waxaan jecelahay inaan dhawr qoddob u soo jeeddiyo Shacabka Somaliland, waxaan marka koowaad shacabkeenna u sheegayaa ka hortagga Xanuunkani waa kala foggaansho, feejignaan iyo heeggan buuxa oo si wada-jir ah looga galo waxyeellada Xanuunkan COVID19.

Xisbi ahaan waannu uga mahad-dhaqaynaa Xukuumadda oo markiibba samaysay Guddiga ka hortaga Caabuqa COVID19, waanna waajib inna saarran Mucaarid iyo Muxaafidba badbaadada Caafimaadka bulshadda reer Somaliland. Guddigaas ilduuf badan ayaa jira oo aannu talo ahaan qabno inaanu u gudbinno Madaxweynaha. Madaxweyne, waad ku mahadsan tahay magacaabidda guddigaas, laakiin saddex qaybood oo bulshadda ka mida ayaan ku jirin, waannay fiicnayd in dib lagaga darro.

1- In Xubin saxaafadda Soomaalilaand matalaysa lagu daro oo ururka Saxaafadda lagala tashaddo, sababtunna waxa weeye Saxaafaddu waa cidda kaliya ee tabinnaysa wararka iyo wacyi-gelinta bulshadda, door muhiim ahna way kaga jirtaa Nolosha ummadda Soomaalilaand.

2- In Xubin Culimadda matalaysa weliba Culimadda aan Xukuumadda ka tirsanayn matasha way habboonayd, sababtunna waxa weeye magaalo kasta iyo Xaafadkasta oo dalka ah waxa ku yaalla ugu yarraan toban Masaajid, sidaas darteed Wacyi-gelinta bulshadda ayay qayb wayn ka qaaddan lahaayeen, waayo waa dadka ay bulshaddu dhagaysato ee wixii ay sheegaanna la qaato, sababtoo ah waxay sheegaan hadalkii Illaahay iyo Qawlkii Rasuulkeenna (NNKH), markaa arrintaasinna waa muhiim xaaladdan lagu jiro.

3-Waxa kale, oo uu ilduuf ka jiraa oo Guddigaas ka maqan dadkii lahaa Hibbada Halabuurnimo oo inay ka mid ahaaddaan waa muhiim, waayo waxay Currinayaan Hal ku dhigyo wax wayn ka tari kara Wacyi-gelinta bulshadda, waxay samaynayaan Ruwaayaddo iyo suuggaan kala duwan oo ka qayb-qaadan lahaa Wacyigan aynu ku jirno iyo feejignaanta aynu doonnayno inay bulshaddeenu ku baraarugsannaato." Ayuu yidhi Barkhad Batuun.

Waxaannu intaas sii raaciyay oo uu yidhi "Saddexdaasiba waxay leeyihiin saamayn, waannay fiicnayd in lagu daro Guddiga ka hortaga Caabuqa COVID19. Ilduufka muuqdaa waxa weeye Wacyi-gelintu siddii la rabay ummadda looma gaadh-siin, waxaanna habboon in dadka aragga naafadda ka ah Xil gaara la iska saarro, waayo waa qayb bulshadda ka mida, arrintaasi Xisbi ahaan mudnaan gaara ayay noo leeddahay. Waxa iyagunna jira dadka maqalka naafadda ka ah in iyaganna siddii Wacyi-gelin gaara loo gaadh-siin lahaa muhiimad gaara la siiyo oo Xil wayn la iska saaro, waanna qayb wayn oo bulshaddeenna ka mida. Waxaannu soo jeeddinaynaa in dhugmo loo yeesho tallooyinka, waayo xaalad adag ayaa adduunkii wada saamaysay.

Waxa ilduuf kale ka jiraa, waxaad ogtihiin in dalkeennu uu leeyahay hal Idaacad oo Xukuumaddu gacanta ku hayso, Idaacaddaas haddaad gelinta hore shiddo, haddaad habbeenkii shiddo iyo Subaxdii shiddo intaba waxa ka baxaysa Hees uun, waxay ahayd in Wacyi-gelinta Caabuqa CORONAVIRUS lagu furo oo lagu xidho. Wasaaradda Warfaafinta waxa ka shaqeeya 800 oo ruux oo Abwaanno leh oo Suxufiyiin leh oo qaybo kala duwan ka hawl-gala waxay ahayd in dadkaasi laga shaqaysiiyo oo Wacyi-gelinta kaalin wayn oo muuqata ay ku yeeshaan." Ayuu yidhi Afhayeen Barkhad Batuun
"Waxaan doonnayaa inaan bulshadda la socod-siiyo 14-kii Cisho ee aanu iskarantiilnay, marka hore Xisbi ahaan waxa muhiimad gaara noo leh badbaadda iyo bad-qabka Ummadda reer Somaliland, waayo Codkoodda waxa nooga muhiimsan Caafimaadkoodda. Ma jirto cid madaxa Xabad nagaga haysay ee waxaannu isku karantiilnay waa Miisaanka iyo Mudnaanta ummadda Somaliland noo leeyihiin, intii aannu halkaas ku jirnay waxay ahayd 14 Cisho waxyaabaha Muruggada leh ee halkaas nagu soo maray waxa ka mid ahaa Muwaadin reer Somaliland ah ayaa Hooyaddii dhimatay, innuu isagu baxo oo bulshaddu badbaadi waydo iyo innuu iska joogo markii ay noqotay waxaannu qaadanay innuu iska joogo oo aannu ka qayb-gelin Aaska Rabbi ha u naxariistee Hooyaddii. Waxa nagu jirey Nin muwaadin ah oo gabadhiisii foolatay oo qalniin u baahatay, badbaadadii bulshadda ayaannu eegnay isagunna wuu iska joogay, arrimaha noocaasa waxaan idinla wadaagayaa inaad darreentaan mudnaanta Caafimaadkeennu leeyahay, arsaaqda Illaahay bixiyanna waxa ugu qaalisan Caafimaadka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), maalin dhawayd ayuu dalka ku soo laabtay, maddaarka Hargeisa ayuu ka soo deggay gurigiisa ayuu tagay, waxa is waydiintu tahay Sharciga u fasaxaaya Masuulka Xukuumadda ka tirsan innuu gurigiisa tagi karo oo Xafiiskiisa tagi karo, muwaadinka uu Cashuurtiisa qaatanna maxbuuska ka dhigaaya, Masuuliyiinteenna waxa laga rabbaa dhaqan hoggaaminneed inay la yimaaddaan. Madaxweyne ku-xigeenka oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa COVID19 waxaan waydiinayaa maxaa Xubinta Xukuumadda ka tirsan fasaxa siiyay, muwaadinka caadiga ahna maxbuuska ka dhigay? Sharcigii iyo Qawaaniintii innoo taallay meedday? Sow in sharciga aynu ku dhaqanno oo shaqeeyo maaha. Mudane, Madaxweyne ku-xigeen annagoo ixtirraam kuu hayna oo Guddoomiyihii Guddiga ka hortaga Xanuunka COVID19 aad hoggaaminayso waxaannu eeggi doonnaa inaad noqoto Madaxweyne ku-xigeen sarraynta sharciga ilaaliya iyo inaad noqoto Madxweyne ku-xigeen hoggaamintiisa suuqyadda lagaga sheekeeyo." Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...