Xukuumadda Somaliland oo dalka soo gaadh-siisay Mashiinka lagu baadho Caabuqa COVID19

0
Sunday April 12, 2020 - 16:18:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo dalka soo gaadh-siisay Mashiinka lagu baadho Caabuqa COVID19

    Xukuumadda Somaliland oo dalka soo gaadh-siisay Mashiinka lagu baadho Caabuqa COVID19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland oo dalka soo gaadh-siisay Mashiinka lagu baadho Caabuqa COVID19

Hargeisa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay maanta shaacisay inay dalka keentay qalabka lagu baadhayo xanuunka Coronavirus.

Waxaana sidaasi sheegay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi Bade oo maanta warbaahinta la hadley.
Wasiirka horumarinta Caafimaadka Cumar Cali Cabdulle oo ka mida Guddiga ka hortaga Caabuqa COVID19, ayaa waxa uu sheegay inay soo gaadheen qalabkii lagu baadhi lahaa Xanuunka CORONAVIRUS.
Coronavirus testing is ramping up. Here are the new tests and how ...


"Maanta waxaannu la soo wareegnay Mashiinkii lagu baadhaayay Xanuunka CORONAVIRUS, waad ogaydeen dhibaataddii innaga haysatay shaybaadhka oo marka aynu hubbino aynu u dirri jirnay dalka Kenya oo uu maalmo ku maqnaan jirey. Tababarkiinna waxa uu bilaabmayaa labada cisho ee innagu soo socda oo qof khabiirka ah ayaa WHO ka keennaysaa dalka Ethiopia, marka uu Mashiinkaasi shaqadda bilaabo 12-kii saacba waxa uu baadhi karraa ilaa 500 oo ruux, taasinna waxa ay sarre u qaaddaysaa tallooyinkii ay soo jeeddisay Hay'adda Caafimaadka adduunka ee WHO oo ku talisay in ruuxa looga shakiyo markabba lagu sameeyo shaybaadh."

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay maanta furreen Xafiis cusub oo ay ugu talo-galleen in ruuxii xaaladdiisa ka shakiyaa uu soo wici karro ama soo garaaci karro telefoonka 988.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...