Wasiir Ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle Oo Muqdisho Ugu Geeriyooday Xanuunka Coronavirus
Wasiir Ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle Oo Muqdisho Ugu Geeriyooday Xanuunka Coronavirus
Muqdisho:-Wasiirul dawlihii wasaarada cadaaalada maamulka Hirshabeelle Khaliif Muumin isla markaana ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaasi ayaa la shaaciyey inuu magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus.
Dhowr maalin kahor ayaa la dhigay isbitaalka, isagoo kamid ahaa 9 qof oo cudurka laga helay. Waxaase isagu cudurkaan uu ku haleelay magaalada Jowhar.
Waa qofkii ugu horeeyay oo masuul maamul ah oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Soomaaliya. Sidoo kale waa bukaanki labaad oo cudurka u dhinta
![]() |
Agaasimaha madaxtooyada maamulka Hirshabeelle Cabdikhadar Cabdile Xooshow ayaa qaybo warbaahinta ka mid ah u xaqiijiyey geerida wasiirul dawlihii wasaarada cadaalada ee maamulkaasi, isaga oo sheegay inuu u geeriyooday xanuunka Coronavirus.
Marxuumka ayaa kamid ahaa labo bukaan oo ay wasaaradda caafimaadku sheegtay inay xaaladooda aad u liidato.

Loading...
Loading...

0 