Somaliland Ma Leedahay Madax-Banaani Sharci?
Hargaysa
(HWN) Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay in sharciga ay ku dhaqanto
Somaliland uu yahay sharciga Somaliya, fulintu ay fuliso sharciga Somaliya,
waxaanu sidaasi ku sheegay garyaqaanku qoraal uu soo dhigay barta uu ku
leeyahay Facebook, qoraalkaasi oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-
Madax-banaanida
dal ahaaneed ee gudaha ah waxa shardi ah inay jiraan sadex arimood.
1. In dalku samaysto si gaar ah shuruucdiisa oo awoodda sharci dejinta aanay cid kale la wadaagin.
2. Inuu fuliyo shuruucdaas u gaarka ah.
3.
in garsoorka garta qaadaa uu adeegsado shuruucda dalka.
Hadaba, Somaliland shuruucda u waawayn ee ay ku dhaqanto waa kuwa Somalia oo waa isla kuwa Garoowe iyo Muqdisho lagu dhaqo. Fulintu waxa ay fulisaa shuruucdaas Somalia. Metalan dadka Somaliland xabsiyada ugu jira intooda badan waxa lagu xukumay Xeerka Ciqaabta ee Somalia (Somali Penal Code). Habka loo raacayna waa Xeerka Habka Ciqaabta ee Somalia. Garsoorku garta markay naqayaan - madani, ciqaab iyo idaari ka ay doonto ha noqotee- waxa ay u raacaan Xeerka Habka Madaniga ee Somalia ama Xeerka Habka Ciqaabta ee Somalia.
Waydiintu
waxa ay tahay Somaliland ma leedahay madax-banaani sharci? Waa su’aal qaanuuni
ah oo ay tahay inay ka doodaan qanuun yahanka Somaliland, gaar ahaan kuwooda
dersa Qanuunka Dastuuriga ah iyo Qanuunka Caalamiga ah. Falaqaynta waydiintani
waxa ay wax ka tari kartaa gar sheegashada Somaliland.
Dhinaca
kale, xeerarka hada Baarlamaankeenu sameeyo oo marka loo eego xeerarka hore
noqonayo kuwo kaabayaal ah oo aan ahayn kuwo laf-dhabar ah, badankooda waxa
taageeraa hay’ado caalami ah. Xeerarkaasi waxa ay badankoodu la mid yihiin
nuxur ahaan iyo xitaa qaarkood eray ahaan, kuwa maamul goboleedyada Somalia
sida Puntland. Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa Xeerka Shaqaalaha Somaliland
iyo ka Puntland waa isku mid. Dadaalada xeer samaynta ee Dawladda Federaalka
ahi ka wado Muqdisho waxa kuwo u eegi ka socdaan Hargeysa. Tusaale ahaan,
Xeerka Kufsiga ee Somaliland iyo ka Somalia waa isku eekayaal, qabyo-qoraalada
xeerarka FGM-ka, ka dadka naafada ah iyo kuwo la mid ah ayaa is shabaha nuxur
ahaan iyo waqti ahaan ba. Waxa la mid ah dadaalada xeerarka maaliyadeed oo uu
Bangiga Aduunku u qoray labadaba, si isku eeg.
Isku eekaanshaha waxa ay dadka qaanuunka bartay ku abuuraysaa waydiimo ah: haysashada qaanuunka isku midka ahi ma ku talo gal baa? Intee in leeg buu se waxyeello ku yahay dooda Somaliland ee ah waanu madax-banaanahay inta ay adeegsanayaan xeerarka Somalia oo si cad uu magacaasi ugu qoran yahay? Dalalka aduunka ee ictiraafka ay Somaliland ka raadinayso ee la-taliyayaashooda sharci og-yihiin isku mid ahaanshaha sharci, maxa u fahmayaan xaalaadda?
Dastuurka Somaliland qodobka u danbeeya wuxuu waajib ka dhigay in si dhaqso ah ay Somaliland u samaysato shuruuc u gaar ah, inta ka horaysana ay si ku meel gaadh ah u sii adeegsato xeerarkii Somalia. Hada waxa laga joogaa 19 sanadood markii la ansixiyay dastuurka, ilaa iyo maantana xeerarka u waawayni waa kuwii Somalia.