Madaxweyne Farmaajo"Ciidanka xoogga Guulo ayay kasoo hooyeen la dagaalanka Shabaab

0
Sunday April 12, 2020 - 13:06:51 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo"Ciidanka xoogga Guulo ayay kasoo hooyeen la dagaalanka Shabaab

    Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.




 

 

"Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.”

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka Al-Shabaab iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay in ay dalka ku xoreeyaan.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Loading...
Loading...