Axmed Ducaale Xaaf oo laga qaaday xayiraadda dhanka socdaalka,loona ogolaaday inuu safro
Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho xilli xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashadii uu ku soo baxay Qoor Qoor oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Xaaf ayaa mudo badan ka biyo diidanaa natiijada doorashadaasi,isagoo ku adkeysanayay inuu wali yahay madaxweyne saxda ah ee Galmudug,inkastoo markii dambe la xaliyay lana geeyay Dhuusamareeb si uu ula heshiiyo madaxweynaha dooran ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Geelle Xaaf loo ogolaaday inuu soo galo Muqdisho,maadama horay uga baqayay iney xirto Dowladda oo Khilaaf kala dhaxeeyay,wuxuuna maalmaha soo socda ka soo degi doonaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Sida aan xog gaar ah ku helnay ayaa la kulmi doona madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre,kulankaas oo lagu soo koobay mid mahad celin iyo bogaadin ah.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku guuleystay halku dhiggiisii ahaa ” Waayo arag isku wada kara,” isagoona isku keenay dhammaan saamileydii siyaasadeed ee Galmudug xal buuxana kala dhex dhigay lagana heshiiyay khilaafkii jiray.


0 





