Fadhigii Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Buuq Ku Soo Xidhmay Iyo Qodobada Laysku Qabtay

0
Saturday April 06, 2019 - 17:18:09 in News by
  • Visits: 1644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Buuq Ku Soo Xidhmay Iyo Qodobada Laysku Qabtay

    Fadhigii Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Buuq Ku Soo Xidhmay Iyo Qodobada Laysku Qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigii Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Buuq Ku Soo Xidhmay Iyo Qodobada Laysku Qabtay


Muqdisho(HWN):-fadhigii golaha shacabka dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa maanta ku soo dhamaaday buuq ka dhashay dood laga yeelan lahaa amaanka muqdisho.




Fadhiga golaha shacabka oo uu gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayuu hadheeyey buuq ka dhashay soo jeedin ay keeneen qaar ka mid ah xildhibaanada golahaasi, kuwaas oo dalbaday in dooda xildhibaanada dibada looga saaro warbaahinta.


Buuqa iyo ismaandhaafka dhexmaray xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka dhashay ka dib markii ay xildhibaanadu cod u qaadeen in dooda ay goob joog ka ahaadaan warbaahintu iyo in kale, iyada oo xildhibaano gaadhaya 104 ay u codeeyeen in warbaahinta dibada la dhigo halka 42 xildhibaana diideen.


Xildhibaanada u codeeyey inaan warbaahinta dibada loo saarin ayaa hor istaagay in la fuliyo go’aanka aqlabiyada xildhibaanada, taas oo keentay in fadhigii golaha shacabku uu ku soo dhamaado buuq keenay inaanu sii socon, iyada oo gudoomiye Mursal uu ku dhawaaqay in fadhigu xidhan yahay.


Dhinaca kale gudoomiye Mursal ayaan shaacin wakhtiga ay xildhibaanada golaha shacabku iskugu iman doonaan fadhiga dambe.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/somaliland

Loading...
Loading...