Wasaaradda Caafiimadka Somaliland oo ka Hadashay Xaaladihii ugu Danbeeyey ee Coronavirus

0
Sunday April 12, 2020 - 08:46:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafiimadka Somaliland oo ka Hadashay Xaaladihii ugu Danbeeyey ee Coronavirus

    Hargaysa (HWN) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka
Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in xaaladda xanuunka Corona ee Somaliland ay sideedii hore tahay isla markaana aanay jirin wax soo kordhay khatar ah.

 

Agaasimaha oo warbaahinta dalka la wadaagay xogta maalin laha ah ee wasaaradda horumarinta caafimaadku kaga hadasho xanuunka Covid-19 ayaa sheegay in aanu jirin hal qof oo cisbtilaalka u yaala xanuunkaasi iyo qof u dhintay toona am acid cusub oo laga helay Corona.

 

Maxamed Cabdi Xergeeye Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxa uu bulshada ugu baaqay inay joogteeyaan Faraxalka iyagoo adeegsanaya biyo iyo Saabuun, iyo in la Ilaaliyo nadaafadda guud iyo midda gaarka ah ee bulshada. Waxa kale oo shacabka ku wacyi geliyay inay guryahooda joogaan oo aanay isku soo ururin.


Loading...
Loading...