Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Cudurka Coronavirus Ee Calamka
Baadariyaal badan ayaa adeegyadii dabaal degga ku dhex sameenaya gudaha kaniisaha oo haawanaya.
Markii ugu horeysay, dhammaan gobollada waddanka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay iney musiibo ku habsatay, kaddib markii madaxweynee Trump uu ogolaaday tallaabooyinka lagula tacaalayo fayraska corona.
Mareykanka ayaa wajahaya dhimashada ugu badan dunida, oo hataan waxay dhimashda kor u dhaaftay 20 kun oo qof halka nus malyuun kiis-na laga xaqijiyay dalkaasi.
Raysal Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay in saaxiibada uu naftiisa u hibeeyay ay yihiin dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaashii daweeynayay kaddib markii uu haleelay xanuunka Covid-19.
Mr Johnson ayaa Axaddii la soo dhaafay la dhigay isbitaal ku yaallla magaalada London, halkaas oo uu muddo 3 maalmood ah ku jiray qeybta lagula tacaalo dadka ay xaaladoodu liidato.
Madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa rajaynaya in marka uu dhamaado coronavirus oo ay nolshu caadi ku soo noqoto ineysan dadku is baddalin oo ay sii wadaan wadajirka iyo naxariista haatan ay isu muujinayaan.
Xisbiga
haya talada waddanka Kuuriyada Waqooyi ayaa ku baaqay tallaabooyin adag oo
looga hortagayo faafidda xanuunka Covid-19.
Xukuumadda Pyongyang ayaa horay u xidhay soohdinta ay la wadaagto Shiinaha iyadoona sidoo kale xaddiday dhaq-dhaqaa dadka.
Waxaa jiray dhaleecayn ka dhan ah sheegashada Kuuriyada Waqqoyi ee ah inuusan jirin qof uu haleeyay xanuunka dunida halakeeyay ee coronavirus.
BBC