CORONAVIRUS:-"Coronavirus Waa Siyaasad Ee Ma'ahan Dhibaato Caafimaad"

0
Sunday April 12, 2020 - 04:56:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CORONAVIRUS:-"Coronavirus Waa Siyaasad Ee Ma'ahan Dhibaato Caafimaad"

    "Dhibaatada taagan waxay nagu qasbaysaa in aan gaarno go'aano"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhibaatada taagan waxay nagu qasbaysaa in aan gaarno go'aano"

Hargaysa(HWN):-Qaabka aan kula dagaalamayno Covid-19 ayaa noqon doono mid cawaaqibkiisa u nala sii joogi doono sanooyiin badan, waxaa sidaasi sheegay Yuval Noah Harari, oo ah taariikhyahan u dhashay Israa'iil.


Bulsho noocee ah ayaa ka so bixi doonta cudurkan saf-marka? Dalalku ma midoobi doonaan - mise way kala xir-xirnaan doonaan?

"Dhibaatada taagan waxay nagu qasbaysaa in aan gaarno go'aano waawayn aan go'aanka u qaadano sida ugu dhaqsiyaha badan," waxaa sidaasi BBC u sheegay Harari.
Cudurkan ayaa noqday mid dadka kala fogeynaya

'Qalalaaso siyaasadeed 

"Labada khiyaar ee noo furan in aan kala doorano ayaa ah in dhibaatadan aan u wajahno dal-dal ama in aanu u wajahno anaga oo isku duuban," ayuu intaa ku daray.

"Midda labaad, dal walba heerka uu jooga, ma waxa aan isku dayaynaa in aan dhibaatada uga baxno anaga u sii mareyna kali-talisnimo, xakameyn iyo dadka la daba socdo, mise in bulshado ay isku duubnaato oo la xoojiyo muwaadiniinta ."

Feyriska Corona waxaa uu banaanka soo dhigay su'aalo dhanka seyniska iyo siyaasadda ah , ayu yiri Mr Harari.

Balse annaga oo xalinayna qaar ka mid ah caqabadaha dhanka Seyniska ayaa waxaan hilmaamnay xalinta su'aalihii dhanka siyaasadda.

Yuval Harari waa taariikhyahan u dhashay Israa'iil

"Bina'aadanimadu waxay leedahay wax walba oo ay u baahan tahay si ay u xakameyso oo ay uga adkaato cudurkan saf-marka ah," ayuu yiri.

"Ma aha da'ada dhaxaadka , ma aha dhimashada dadka madowga ah, ma aha in dadka ay dhimanayaan islamarkana aanan aqoon waxa dilaya iyo wixii laga yeeli lahaa." ayuu intaa ku daray.


Tiknoolajiyad halis ah

Marka aan ka hadlayno xaaladaha degdega ah, taariikh ahaan waa geedi-socod degdeg ah oo g'aanna ay ahayd in lagu gaaro sanooyiin badan lagu gaarayo hal habeen, ayuu kaga digay Hariri maqaal uu dhawaan ku qoray wargeyska Financaial Times.


Tiknoolajiyada wax lagula socdo ayaa la so saarayaa islamarkaana ka dib lagu degdegayaa isticmaalkeeda iyada oo aan si wanaagsan loo hormarin islamarkana aysan bulshada ka doodin.

Tusaale ahaan Israa'iil , dowladda waxay xoojisay awoodda hay'adda sirdoonka si ay galaangal ugu yeelato macluumaadka shaqsiyaadka.

Kamarooyiinka la socda dhaqdhaqaaqa dadka

Arrintan waxaa sidoo kale ay ka jirtaa Koonfurta Kuuriya, inkastoo Harari uu sheegay in Kuuriyada Koonfureed ay arrintan u samaysay si hufan.


Dalka Shiinaha, waxaa uu leeyahay mid ka mid ah howlaha Tiknoolajiyada ee lagula socdo dadka islamarkana waxaa dalkaasi ka jira qalab lagu aqoonsanayo wajiga qofka ay qabtaan kamarooyiinka.


Arrintani qiil waa loo heli karaa haddii ay waqtiga kooban soconayso, ayuu yiri Harari, balse waa halis haddii ay arrintan joogto noqoto.


"Waan taageersanahay in dowladaha ay qaadaan tallaabooyiin adag dhanka caafimaadka iyo dhaqaalahaba, balse waa in dowladaha oo dhan ay u sameeyaan iyaga oo masuul ka ah dadka," ayuu u sheegay BBC.


"Waqtiyada caadiga ah waad maamuli kartaa dalka adiga oo taageero ka helaya 51% , balse waqtigan oo kale waxaad u baahan tahay in aaad wakiil ka ahaato islamarkana aad qof walba daryeesho.

.

Kala soocnaan ama wada-shaqayn

Sanooyiinkii ugu dambeeyay,dowladaha ayaa waxay dardar-galinayeen mowjadaha wadaniyada iyo kicinta dad gooni ah ayaa kala qeybiyay bulshada islamarkana kiciyay naceyb loo qabo ajaaniibta iyo dalalka kale , ayuu yir Harari.


Balse cudurka Corona markii uu dilaacay ayaa waxaa uu muujiyay in cudurada saf-marka ah aysana kala sooceyn bulshooyiinka ama dalalka.


Waa in aan kala dooranaa in aan qaadno waddada kala soocnaanta ama wada shaqaynta, ayuu intaa ku daray.


Dhowr dal ayaa isku dayay inay iyaga si gaar ah ay ula tacaalaan iyaga oo shirkado gaar loo leeyahay ka dalbanaya kaabayaasha dhanka caafimaadka.


Mareykanka ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu isku dayay in uu wiiqo dalalka kale in ay helaan qalabka sanka lagu xirto, daawooyiinka iyo qalabka qofka bukaanka ka caawiya in uu neefsado.


Cabsida ayaa waxay tahay in talalka lagu soo saaray Sheybaarada dalalka qaniga ah uusan tira ku filan gaari doonin dalalka soo koraya iyo kuwa saboolka ah.


Waxaa uu ku baaqayaa Mr Harari in loo baahan yahay in caalamka uu iskaashado islamarkana ay is weydaarsadaan aqoonta ayna si xaq ah u qeybsadaan qalabka iyo khayraadka dalalka uu cudurka saameeyay.


Ma badali karaa dabeecadeenii bulshada?

Wax walba oo khiyaarku uu noqdo, Harari ayaa rumaysan in aan noqono"social animals"" oo aan waxba badali karin.


Feyriska "ayaa jiqaya qeybtii ugu muhimsaneyd dabeecada bina'aadamka oo ah in qofka uu u dhawaado oo uu naxariis u muujiyo qofka bukaanka, ayuu yiri.


Maadaama aadan u dhawaan karin qofkii xanuunsanaa oo uu cudurkii kugu dhacayo waa in aan ka shaqeysiinaa maskaxda oo aanan qalbiga ka shaqeysiin


Xigasho:-BBC-Somali

Loading...
Loading...