Duulimaadyada Diyaarada Itoobiya Maalin Kasta Ku Tagto Hargeysa Maxay Uga Dhigan Yihiin Somaliland?..Senator Mustafe Qodax
Hargeysa(HWN):-Senator Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa hadlay siyaasad ahaan aragtida laga qaadan karo duulimadyada ay diyaarada Itoobiya maalin kasta ku tagto somaliland.
Senator Mustafe Maxamuud Qodax ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku faaqiday duulimadyadan diyaarada Itoobiya ay maalin kasta ku imanayso somaliland balse ay shacabku cabashada xoogan ka qabaan, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:=
dhinaca siyaasadda:
shirkadda diyaaradaha Ethiopian airline waxay heshiis kula jirtay somaliland muddo ka badan 10 sano, waxaana xusid mudan inaanay heshiiska qayb ka ahayn dawlada somaliya haba yaraatee in kastoo xiliga heshiiskaasi dhacayay hawada somaliya ay si buuxda gacanta ugu haysay haayada qaramada midoobay u qaabilsan hawada.
waxay ahayd arin aad muhiim ugu ah somaliland inay ku qanciso shirkad caalami ah oo sida Ethiopian airline oo kale ah inay duulimaadyo ku timaado somaliland maadaama oo aanay somaliland haysan citiraaf caalamiya, taas oo dhabaha u xaadhay inay kusoo biiraan shirkado kale oo caalami ah sida: fly Dubai, air carabia, jabuuti airline iyo qaar kale oo wada hadal usocday hadda.
somaliland, ethiopia waxay kula jirtaa heshiisyo dhinacyo badan leh haba ugu muhiimsanaado kan shirkada dayuuradaha oo isagu siyaasad ahaan wax wayn ah.
ka sakaw xadka dheer ee ka dhexeeya somaliland iyo ethiopia, waxa jira wax aan dawlad kale oo adduunka ku taal somaliland siin oo ethiopia somaliland u hurtay waana inay ethiopia sidii dawlad madax bannaan ula dhaqanto somaliland, passpoprka somaliland dawlada ethiopia waxay ula macaamishaa sidii dalalka la aqoonsan yahay, halka Djibout oo kamid ah shantii soomaaliyeed ee la qaybiyey aanay haba yaraatee wax ixtrimaama u hayn.
sidaa daraadeed heshiis kasta oo somalind kula jirto dalka ethiopia waa mid qiime sare ugu fadhiya somaliland, inkastoo ay jiraan dano ethiopia lafteedu ay ku qabto xidhiidkka somaliland, waa mid siyaasad ahaan caadiya oo la fahmi karo (matual interest) oo dalka kasta ku dhaqmi karo.
waxay Ethiopia ugu hiilisay somaliland inay iska indha tirtay xayiraadii somaliya ay ku dhawaaqday dhawaan ee hawada somaliya oo ay ku jirto somaliland, iyadoon somaliya wax wada xaajood ah kala galin somaliland.
sidaa awgeed, tallaabo kasta oo somailand ku dhaqaaqdo oo ay ku joojinayso duulimaadyada ethiopian airline waxay noqon doontaa mid aan laga fiirsan, inkastoonan filayn inay sidaa samayn doonaan.
waxan maalmahan social mediaha ku arkayay dad badan oo walaac ka muujinaya duulimaadyada ethiopian airline ku timaado hargeisa iyagoo sabab uga dhigaya caabuqa aduunka ku baahaya ee covid 19.
diyaarada Ethiopian airline waxay duulimaadyo ku tagtaa wadamada UK, France, Sweden iyo dalal kale oo fara badan intan ogahay ilaa hadda. waa ku waajib xukuumada somaliland inay qaado tallaabo kasta oo wax ka taraysa badbaadada dadka, balse diyaarada ethiopian airline maaha dariiqa kaliya ee uu ku fidi karo xanuunkani, waayo, dadka diyaaradi sido waa dad gacanta dawlada dhamaantood soo gali kara markaa waxa inagaga filan in la karantiilo, taas oo ah hab caalami ah oo aduunku kula tacaalo faafitaanka caabuqan.
waxa jira dad badan oo aan siyaasiyiin ahayn oo had iyo jeer lagu majara habaabiyo arimahan oo kale lakin an hubo inay iyagu daacad yihiin, waxaaanse daah iga saarnayn in dadka arintan hor boodaya ee buun buuninayaa ay yihiin qaar si toosa ula dagaalamaya horumarka somaliland iyagoo ay iska ga qasantay xukuumada talada haysa iyo jiritaanka ummaddaasi.
tusaale ahaan waxan baraha bulshada ku arkay markii dawlada somaliya ay amarka ku bixisay in hawada somaliya xidhantahay, taasoo labadii maalmood ee hore saamaysay somaliland in dad ku sugan gudaha somaliland ay arintaa aad ugu farxeen iyagoo qarsan kari waayay siday raalida uga yihiin in somaliland lagu kala yaaco, markaad u fiirsato waxay soo qorayeen oo ay dhaliil ka dhigayeen 30 sano oo dadka reer somaliland nabad ku naaloonayeen mid la lugooyay iyagoon kuu sheegi karin taa badalkeeda waxay dadka u hayeen iyo halkay gayn lahaayeen ee tan u dhaantay.
afeef
waxan u taaganahay in cidwaliba xaqeeda hesho, somailand ma rabo inay hoos uga dhacdo halkay taagantahay cidii sidaa doonaysana waan kasoo horjeedaa, sidoo kale ummadda soomaliyeed oo dhan wanaag baan la rabaa meel kastooy joogaan, allaah dalka iyo dadkaba haynoo wanaajiyo.
la soco qaybaha danbe ee qoraalkaygan dhammays tiraya……….
wa billaahi tawfiiq