Boqor Buurmadaw Oo Muuse Biixi Ku Sheegay Keli Taliye
Hargaysa (HWN) Boqor Buurmadow oo kamid ah madaxdhaqameedka Somaliland ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ugu hanjabay madaxweyne Biixi oo uu ku eedeeyay kalitalisnimo, qoraalkaasi oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-
Waa maan bidde Iyo maan Barreey Waxaan.dhegaystay khudbadii madxwaynahaha iyo hanjabaadii.aan loomeeldeyin ee uu ujeediyey Madaxdhaqameedka runtii madaxwaynuhu wuxuu nagu raacay in la dardargeliyo wada hadaladii Soomaliland iyo Soomaaliya waxaase hadalkiisa ka muuqatay keli talisnimo iyo cabsigelin sidaa si la mid ah wuxuu ugu hanjabaa dadka masaakiinta ah ee uu banaystay dhaca iyo boobka dhulkooda.
Wuxu iskudeyeyaa inuu dadka cabsigeliyo Si sharcidaro ah ama aanay cidina uga dabahadlin
Hadaba shacbiga aanu sharaftooda huwanahay waxaanu ubalanqaadaynaa Inaanu difaaci doono sharaftooda xuquuqdooda, Hantidooda waxaanu cid walba u cadaynaa in madaxwaynuhu. Ku sii siqaayo wadadii keligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre
Sidaa awgeed shacbigu haw diyaar garoobeen Halgan dheer intay ka xaqiijiniyaan xoriyad u hadalka iyo doorasho xor iyo xalaal ah
Ilaahaybaa mahadleh