Dagaal Khasaare Sababay Oo Saaka Ka Dhacay Gobolka Sanaag
Dagaalkan ayaa udhaxeeyo laba maleeshiyo beelood oo ka tirsan labada beelood ee deegaanka Waqdariya wada dega, waxaana la sheegay inay labada dhinacba ay isku adeegsanayaan hub Culus.
Wararka aanu ka helayno deegaankasi dad ku sugan ayaa intaasi ku daraya in dagaalkani uu salka kuhayo dhul-daaqsimeed kuyaala deegaanka Waqdariya iyo tuulooyin ku dhaw.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xooggan oo ay isdhaafsnayaan labada dhinac.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dab la qabadsiiyay qeybo kamid ah deegaanka Waqdariye ee Gobolka Sanaag, waxaana la sheegayaa in meelaha la gubay uu kamid ahaa Masaajid ku yaalla halkaas.
Maaha markii ugu horaysay ee maleeshiyo beelaadka halkaasi isku laynaya uu dagaal sidan oo kale udhexmaro, waxaana jiray inay marar hore sidan oo kale ay udagaalameen.
Wixii war ah ee ka soo kordha kala soo wararkayaga Dambe.