Magac Soomaaliyeed Dhaxal U Meel Yaal. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish).

0
Saturday April 11, 2020 - 11:28:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magac Soomaaliyeed Dhaxal U Meel Yaal. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish).

    Inta la ogyahay waxa jira 5 meelood oo qof aadmiga ahi uu fariimaha uu ku helo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la ogyahay waxa jira 5 meelood oo qof aadmiga ahi uu fariimaha uu ku helo,
waa qayb kamid ah dareemada jidhka ee eebe weyne aadmiga ku galladay. Shantaa meelood ee aadmigu fariimaha jidhkiisa maraya uu ku ogaado ayaa kala ah dareenka araga, dareenka maqalka, dareenka urta, dareenka taabashada, iyo dareenka dhadhanka, dhamaantood waxa xukuma xarunta dhexe ee jidhka taas oo ah maskaxda.

Hadaba abwaanku marku doonayo inu gabyo ama suugaan curiyo waa inu adeegsadaa dareemadaa shanta ah si uu qofka dhegaysanaya dareenkiisa ula wadaago. Hadaba xaaji aadan axmed afqalooc ayaa jeer ku dheeraystay adeegsi xeeldheer iyo weedho codaysan oo lala cajabo. Xaajigu gabaygan wuxu ku muujinayaa xuruuf Laatiin ah oo 31 ka kooban oo qoran hadda hadalkii yeeshay oo qoraalna ka mid noqonayo isirrada muhiimka ah ee Soomaalidu ku wada xidhiidhayso. Libtaas weyn oo ku beegnayd hirgelintii qorista Farta Soomaalida ayuu soo bandhiggeeda Xaajigu gabaygan uga gol lahaa,



Arata gabayga ayuu xaajigu tilmaan buuxda ka bixinayaa sida ay u kala duwan yihiin afgarashada aadmiga iyo ta xayawaanku, sidoo kale muusikadu siday wixii lagu ladho ay u macaanayso iidaan wacana ugu noqoto ayuu inoo soo tabinayaa. Gabayga dhexdiisa waxa ka buuxa ereyo badan oo uu xaajigu kasoo ergistay afka carabiga maxaa yeelay wuxu mudo 40 sano ka badan ku noolaa wadamada carabta, gabogabada gabayga ayuu xaajigu eebe weyne ka baryayaa inu dadka soomaliyeed muwaafaqo siiyo iyo khilaafka ka saaro waxaanu yidhi: 

·       Muwaashigu wuxuu kugu gartaa midiyo heestiise

·        Muyuusigiyo foodhiduna waa shay macaani lehe

·       Wax carruurta madadaalo tara miday taqaannaaye

·        Miyuul faraha lagu taago oo meel maraa jira'e

·       Maacuunta bahaluhu wid bay marar ka waabtaane

·       Intaasuba mafhuum weeye iyo maamul gooniyahe

·       Maqsadse laguma gaadho iyo dantii loo muxtaaj yahaye

·       Hadal waa murti iyo faallo iyo wariyo maadayse

·        Iyo waxa baryada lagu masliyo duco la muujaaye

·       Midna waa calaacal iyo baroor ay murugo keentaaye

·        Intaasaa codka u muula oo lagu macneeyaaye

·       Mataanaha xuruuftoo soddona waa midh waxa dheere

·        Hal waliba milguu leeyahoo odhaah ku muujaaye

·       Maskaxda iyo laabtiyo wadnaha meel kastaba ruuxa

·        Sida ilaha maaxduu xubnaha ugu mushaaxaaye

·       Xididdo murugsan mawjado bad ah iyo maylinaa wada'e

·        Dalqaduu ku kala miirmo buu mudan ku yeeshaaye

·        Hadba maanku wuxuu doonayaa soo mufhuum baxa'e

·       Kolkaasuu af lagu maamuliyo muhindis doonaaye

·       Carrabkaa midiidin u ah ooy dibintu miistaaye

·       Mudaabaqo qorriin iyo higgaad labada meeloodba

·       Laatiinkaa munaasib u ah oon lagala maarmayne

·       Muslinimo iyo luqoo la qoro midiba waa xawle

·       Ninkii muramka doonaa si kale wax ugu muuqdaane

·       Macrifiyo  aqoon wada jir ah iyo maahirraa dhigaye

·        Mintid iyo dedaal baa ku wacan meesha uu tegaye

·       Waa magaca Soomaaliyeed dhaxal u meel yaalle

·       Mabda'ii cilmiga lagu dhisuu noogu meel maraye

·       Madaxda iyo Golaha nagu amraan mahadinaynaaye

·        Eebaw muwaafaqo na sii Maalig baad tahaye

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...