MAANA-FAAY ( GORFAYN) Cabdisalaan Axmed "Ceeryaamo"

0
Saturday April 11, 2020 - 11:24:33 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANA-FAAY ( GORFAYN) Cabdisalaan Axmed "Ceeryaamo"

    MAANA-FAAY ( GORFAYN) Cabdisalaan Axmed "Ceeryaamo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAANA-FAAY ( GORFAYN) Cabdisalaan Axmed "Ceeryaamo"



Wax kasta oo si qota-dheer loo hal-abuuro si bay saamayn ugu yeeshaan hab-fikirka, dhismaha koonka iyo guud ahaan nolosha aadmiga. Ninna iskama allifo wax aan qiimi lahayn, haddii ba ay dhacdona xiisa ma yeeshaan, lagumana xormeeyo in lagu af-lagaaddeeyo mooyee. In badan waxaa dhegehayga ku soo dhici jirtay MAANA-FAAY. Tan iyo dugsigaygii dhexe dhegaha ayaan ku sitay gabadhaas iyo sheekadeeda. Wax yaroo aan idaacadaha ka maqlay mooyee, ayaan iyo nasiib uma yeelan in aan buug ku helo. Markii iigu horreysay oo aan maqlo waxa ay ahayd 2012-kii anigoo markaas dhigta dugsi hoose-dhexe, waxaase iiga horreeyay qoraallo yar yar oo jaraa'idyo ku qoran. Weriyihii caanka ahaa: Xasan Kaafi Qoyste oo tebinaya ayaa idaacadaha laga sii dayn jiray. Ardayda iskoolladuna waa ay ku tixnaayeen.

 

Aniga laftaydu mar mar baan ku tuura jiray. Waxa ay ii lahayd xiiso gooniya. Muddo ka dib, nin qoraa ah oo aannu saaxiib nahay ayaa ii dhiibay MAANA-FAAY-dii oo buug ah—Waa Bashiir Balcade—in ay buug ahaan u jirtona waa aan ogaa;hayeeshee, ma kor-goobin. Maana-faay kaliya ma ahan sheeko xiiso badan; balse waa casharro la tixay oo midba mid ku lug leeyahay. Sida dhacdooyinka leysugu xiriiriyay ( Plotting) ayaa dhabanna hays leh. Kaliya ma ahan qiso; laakiin waa deegaan kale oo meel lagu ooday, waayihiisa nololeedna leh. Waa filin dhab uga turjumaya waayaha. Mana ahan mala awaal iskaga soo dhacay qoraaga ee waa waayo u baahnaa in loo sawiro sida ay yihiin.

 

Marka qoraagu yahay Maxamed Daahir Afrax oo kale, xiiso badanaa sheeka faneeddu. Mug waynaa garaadku. Fahanku wanaagsanaa! haddana wax isku dhafi ogaa! oo adduun dhisi ogaa! Sheekada, mar waxaa laga baranayaa in gumeystihii talyaanigu Soomaalida uga tegay dhaqan aad u fool-xun. Mar waxaa laga baranaa in aan la takoorin dadka dhibta nololeed heysato, haddii la takoorana aan la moogaan hagar-daamada ay ku kici karaan. Mar waxaa laga fahmayaa in ay digniin siinayso hablaha soo koraya si ay nolosha indha qureensho ugu eegaan. Mar waxaa laga guntayaa in musuqu uu bulshada meesha ugu hoosaysa ilaa meesha ugu sarreeysa ee dhaqaale iyo nololba ah kala sakaraadiyo. Mar waa madadaalo. Mar waa daawo u roon qofka ku wel-welsan waayaha dhexdooda. Mar kalena waa sheeko suugaaneed aan laga gayoonayn.

 

Si kastaba ha ahaatee, 1981-dii ayaa MADBACADDII QARANKU daabacday sheeka-suugaaneeddan. Waxaana markii ugu horreysay laga daabacay soddon kun oo nuqul. Muddo bil ka yarna waa lagu kala boobay. Waxaa aad u kordhay dalabkeedii, madbacaddiina mar kale ayaa ay ka daabacday lixdan kun oo nuqul. Balse sida nuqulladii hore loo kala dafay baa iyana loo kala qaatay. Mar kale, waxaa lagu kala daabacay AFRICAN TRIANGLE (1993) iyo LEARNING DESIGN, kuwaas oo ku kala daabacay STOCHOLM iyo DUBLIN. Waxaana lagu kala faafiyay Swedan iyo London.

 

Dhanka kale, Maana, waa gabar dugsi sare ah. Waaya-arag nimo badan ma lahan. Si fudud baa looga hoos bixi karaa. Garasho hoos u qodan oo la sheego ma ay laha. Nolosha dhallinyaro nimada ee kolba wax la jeclaanayo, hadbana wax la nacayo baa ay isaga dhex jirtaa. Waxaa loo sheegayaa in si is-dhaaf ah laysugu guurinayo ilma Xaaji Muummin iyo Ilma Aw Mukhtaar. Waa ilma adeer gebigood. Maana-faay waxaa ku soo aadaya Iikar. Warkaas-ba markii ay maqasho ayaa ay is-beddelaysaa. Caadooyin aan lagu garanayn baa ay yeelanaysaa. Hooyadii ay ifka ugu jeclayd baa ay haruufaysaa.

 

Aabbihii ay indhaha ka duwi jirtay bay ka dhex-bixinaysaa laba indhood oo dab ah. Sahro Yuusuf baa is baraysaa iyada iyo Injinneer Axmed Jaamac-Dhegey oo shaqaale dowladeed ah. Maana waa ay xishoonaysaa marka hore, dalxiis baa la aadayaa. Halkaas baa laysku soo fahmayaa. Marka danbe se, jacayl waalliya ayaa dhex maraya. Iyagoo sidaa isu jecel buu galab ka daba imaanayaa nin oday ah oo gaari kala jiidan wata. Waa dhabarka danbe ee madxafka Qaranka. Suuqa Xamar-Wayne. Waa Jaamac Dhegay oo ah aabbaha dhalay wiilka ay Maano is-jecelyihiin. Halkaas in uu la hadlo ayuu isku deyayaa laakiin Maana waa ay ka yaq-yaqooneysaa. Jaamac dhegay aad buu isugu yax-yaxayaa, waxa ayna uga dhigmeysaa in ukun wajiga looga bajiyay.

 

Injinneer Axmed baa safar aadaya. Jilib baa howla shaqo loogu dirayaa. Allow Jilibey aan lagu degin! Aroos wadareedkii qaban qaabadiisa ayaa billaabanaysa. Waa la soo adeegayaa. Alaabtii ayaa la keenayaa. Maana xaalku wuu ku xumaanayaa. Axmed baa ay meel walba ka raadinaysaa, nasiib darro waa ay waayaysaa. Guriga ayaa ay ku soo noqonaysaa. Gabdhihii kool-kooli lahaa oo la joogi lahaa ayaa loo diyaarinayaa, haseyeeshee Maana waa ay soo burinaysa. Iyagoo waji gabaxsan ayaa ay ka soo tegayaan. Walaalkeed Aways Xaaji Muummin ayaa u imaanayaa. baryo iyo qasabba wuu ku deyayaa, balse waa ay ka diidaysaa. Si uusan ugu imaan odoygii oo ul wata, guriga dhan baa ay ka tegaysaa. Layla oo ay walaalo yihiin keeda baa ay tegaysaa—Leylo waxaa qaba Ciise-dheere oo ay Injinneer Axmed saaxiibbo yihiin.

 

Dhanka kale, Bayddan Shabeel iyo Jaamac Dhegay baa kulmaya—Jaamac Dhegay waa nin aad u tunta, nolosha baashaal buu uga baxay. Waa agaasime, wax is-daba marin yaqaan— Maana oo socota ayaa uu isha ku dhifanayaa. Beyddan baa dareemaysaa in uu odoygu baxay << Malaa’ig>> baa lagu wada tilmaamayaa. Beyddan oo gurigeeda yahay meel lagu tunto, ragga iyo hablahana isu raadisa baa loo dirayaa in Maana-Faay keento. Ballan baa ay ku qaadaysaa taas. Isna xujo ayuu uga dhigayaa. Lacag badan ayuu Jaamac ka soo bixinayaa si uu Maana ula tunto. Beyddan oo dhar wadda ayaa imaanaysa gurigii Leyla. Dhurka guryaha ay gabar ka rabto uun baa ay ku gashaa, dabadeed gabadha ayaa ay sir-sirasho ugu dhaqaaqdaa, reerkana saaxiib baa ay isaga dhigtaa. Maana ayaa kula yaabaysaa in ay sii caatowday. Layla ayaa ay ku canaanaysaa in aysan gabadha baanin. Waxa ay isku deyaysaa in ay Maana ragga dacar u mariso, laakiin Maana aad baa ay u nacaysaa qof kasta oo isku daya in uu iyada iyo Axmed kala geeyo.

Dhar ay wadday ayaa ay ku daadinaysaa meesha. In ay Maana dhar kala baxdo baa ay u soo jeedinaysaa. Maana ayaa dhar fiican ka waayaysa, kolkaas baa ay u sheegaysaa in ay habeen danbe gurigeeda ugu timaad si ay dhar fiican u soo siido, oo weliba aysan lacag ka rabin maaddaama ay dhibbantahay. Axmed ayaa soo laabanaya. Kulmiye oo ah nin iska tunta, Axmedna ay saaxiib yihiin baa u sheegaya in uu Arkay Maana oo rag la qayilaysa. Axmed baa la anfariiraya, kana beensanaya. Subaxdii isagoo xafiiska jooga ayaa Beyddan u imaanaysaa, dabadeedna in Maana qayisho oo cabto bay uga warramaysaa. Wuu ka beensanayaa, wuuna la amakaagayaa habarta dulmiga badan. Caawo laba saac baa ay ku ballaminaysaa gurigeeda si ay u tusto.

 

Habeen ayaa la gaarayaa. Axmed gurigii Layla ayuu tegayaa. Maana oo maqan buu tegayaa. Wuu sugayaa. Haddii ay imaan waysay buu shakinayaa. Gurigii naagtu sheegeysay buu aadayaa. Waa guriga Beydan, Niman iyo naago wada qayilaya meel ay joogaan baa dhar ku daadsanyahay. Nin marqaansan baa ay Beydan ku leedahay " Hebelow waadigii dharka dumarka yaqaannay ee gabadhaan dhar iila dooq” Maana waa ay yaabaysaa, laakiin wax la siiyay ma taqaannide cabbar ka dib ninkii baa ay qaad afka u gel-gelinaysaa. Iyadoo ku guraysa buu Injinneer Axmed soo geliyaa. "Macaan” bay kula soo boodaysaa inta qaadka tuurto. Dharbaaxsho ayuu ku qaadayaa. Geddi cad baa ay u dheceysaa. Iyadoo bilaqanna wuu ka dhaqaaqayaa. Layla iyo habar wada socda ayaa imaanaya. Maana oo bilqan meesha xun baa ay arkayaan, naxdin iyo yaab bayna kala tegayaan. Maana mar danbe ayaa soo toosaysaa. Meel derbi ah baa ay madaxa isla gelaysaa.

 

Dhibkii ku dhacay baa ay dib u daawanaysaa. Waaga ayaana ka dul baryaya. Gurigii Leyla ayaa ay aadaysaa. Leylana albaabka ayaa ay ka soo xiranaysaa. Axmed baa ay ku hiiraysanaysaa, isagoo taagan isgoyska, gaarina raaci raba ba ay ku soo ekaanaysaa. Wuu ka dhaqaaqayaa. " Macaaan hal mar war iga dhegayso” baa ay ka daba leedahay. " Anigu ma qayilo ee dadka qayila u sheekey” buu ku oranayaa. Waa ay soo laabanaysaa. Farmashi ayaa ay soo gelaysaa. Sun doolli ay cabto baa ay dalbanaysaa. Inta aan loo soo qaban baa ay boorsadii iska waayaysaa. Gurigii Beydan in ay uga soo tagtay bay ogaanaysaa—Beyddan waxa ay jimcaha ballamisay Jaamac Dhegay, oo ay ka ballan qaadday in ay keenayso Maana, si uu ula baashaalo—Beyddan oo canaan iyo qaylo ku wadda Faadumo yareey oo ah gabar ay ku xamaalato baa ay soo laabanaysaa Maana. Boorsadeeda ayaa ka dalbanaysaa. Maana waa la sasabayaa. In Fillo Cagaaran la yiraahdo la geeyo ayaana laga dhaadhicinayaa. Fillada ayaa la gaynayaa. Cagaarka iyo cowska goglan lagama sheekeeyo. Gabdho ay eeddo u tahay ayaa kolba giraan heeso ku duubanyihiin u gelinaya Raadiye. Beyddan waxa ay hoos ka wacaysaa Jaamac oo ay u sheegaysaa in wax walba dhag yihiin.

 

Geesta kale, Ciise dheere, oo Maana dumaashigeed ah, Layla, Sahro Yuusuf iyo Injinneer Axmed baa ku soo baraarugaya in habartu dulmiga ka danbeyso oo aysan Maana danbi lahayn. Odoygii oo gaari kala jiidan wata ayaa imaanaya Sartii cagaaran. Beyddan ayaa lacag weydiisanaysa Jaamac. Ma hayo ayuu ku oranayaa. Waa ay ka diidaysaa. In uu baqiil yahay baa ay ku caayaysaa. Wuu kululaanayaa, isna in ay fataalad tahay buu ku caayayaa. Bug! Dagaal! Labadooddi. Gabadhihii in ay soo wadato baa ay damcaysaa. Wuu ka diidayaa in ay guriga gasho. Inta soo oroddo ayaa ay naagtiisa u imaanaysaa. Si facshar ah iyo meel la dhooban yahay baa ay ugu sheegaysaa in ninkeedii tumasho ku jiro. Canbaro ayaa kolna masayraysa kolna la yaabaysa naagta wax-xun-sheegga ah. Iyadoo habro badan ka daba shirayaan baa ay imaanayaa AXmed, Maana, Leyla, Sahro iyo Ciisa-dheere. In ay dilaan baa ay isku deyayaan, balse Injnneer Axmed baa ka hor-istaagaya.

 

Waxa ku kallifay baa la waydiinayaa, dabadeedna dulmigii dowlad nimada loogu geystay baa ay ka soo billaabaysaa xilligii gumeystihii talyaanigu joogay. In bulshadu ka caayday Talyaani ay u shaqayn jirtay oo la yiri <<Way u fuushaa>> bay sheegaysaa, balse aannay waxba ka jirin ee la sharaf dilay. In markii talyaanigu baxay ay dadkii ku laaba waayeen baa ay sheegaysaa, dabadeedna uu Talyaanigu siiyay kaarar u oggolaanaya in ay jirkooda ka ganacsadaan. SHaqo wal oo ay doontaan in loo diiday baa ay sheegtay ilaa galmo looga beddesho. Dowladihii kala duwnaa in ay sacabka u garaacday baa ay sheegtay, balse sacabkeedii dulmi loogu beddelay. In aysan waxna dhalin, nololna waysay baa ay ku oyday. Dabadeed waa la wada dareemay waxa ku kallifay luggooyada ay mujtamaca ku heyso.

 

Ugu danbeyn, guur wadareedkii wuu fashilmay. Maana-faayna waxaa loo oggolaaday in la siin doono ninka ay la timaad. Leyla oo warkaas soo sheegtayna Axmed iyo Maana ayaa labada daan ka shummiyay, dabadeedna iyagu xabadka isku cadaadiyay. Waxaa nasiib darro ah in qoraagii sheekada sidaas u xiisa badnayd uusan jaamacad Soomaaliyeed ka dhigan SUUGAANTA. Waxaa ayaan-darro ah in Maxamed Daahir luxudka la dhigo isagoo laabta ku heysta cilmi iyo aqoon suugaaneed oo da’yar iyo duqowba laga baahanyahay. Ugu yaraan waxa ay ahayd in la helo Jaamacad uu qoraagu ka dhigo maaddada SUUGAANTA SOOMAALIDA, si aannu ugu kobno aqoonta uu la sii liicayo. Ugu danbeyn Ilaahay ha janneeyo Maxamed Daahir Afrax. Wax badan ayaa la xusuusan doonaa geeridiisa ka hor iyo ka dibba

 

MAANA-FAAY ( 300BOG)

~ Maxamed Daahir Afrax

 

Dhammaad

 

Gorfeyntii: Cabdisalaan Axmed "Ceeryaamo”

Muqdisho, Soomaaliya

Abriil, 2020


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...