Madaxweyne Biixi Oo Sannad Ka Dib Mar Kale Isku Bedelay Labadii Agaasime Ee Cisbitaalka

0
Saturday April 11, 2020 - 08:50:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Sannad Ka Dib Mar Kale Isku Bedelay Labadii Agaasime Ee Cisbitaalka

    Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay

inuu xilkii ka qaaday agaasimihii cisbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin Carab.

 

Ma jiro sabab la baahiyay oo lagu xidhiidhiyay xil ka qaadista Dr. Yaasiin Carab, waxaanay warar soo baxay xaqiijinayaan in Madaxweyne Biixi uu agaasimaha cisbitaalka Hargeysa u magacaabay Dr. Axmed Cumar Askar. Dr. Yaasiin Carab wuxuu hore xilkan ugala wareegay Dr. Askar.

 

Madaxweyne Biixi ayaa bishii February ee sannadkii hore ee 2019, wuxuu Dr. Yaasiin Carab u magacaabay inuu noqdo agaasimaha cisbitaalka Hargeysa, waxaanu markaas ku bedelay oo uu xilka ka qaaday Dr. Axmed Cumar Askar. Laakiin sannad iyo laba bilood ka dib wuxuu mar kale Madaxweyne Biixi xilkii u kala qaaday labadii agaasime ee uu hore isugu bedelay.

 

 


Loading...
Loading...