Muuse Biixi iyo Dawladiisu waqti bay ku iibsanayaan Coronaviruska ama Covid-19...W/Q Cismaan Cumar Dool

0
Friday April 10, 2020 - 19:39:11 in Articles by
  • Visits: 1545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi iyo Dawladiisu waqti bay ku iibsanayaan Coronaviruska ama Covid-19...W/Q Cismaan Cumar Dool

    Muuse Biixi iyo Dawladiisu waqti bay ku iibsanayaan Coronaviruska ama Covid-19...W/Q Cismaan Cumar Dool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi iyo Dawladiisu waqti bay ku iibsanayaan Coronaviruska ama Covid-19...W/Q Cismaan Cumar Dool


Muuse Biixi iyo Dawladiisu waqti bay ku iibsanayaan Coronaviruska ama Covid-19, Marka hore Alle waxaan ka baryayaa in Xanuunkan xun uu Ilaahay inaga badbaadiyo dhamaanteenba.

Image may contain: 1 person, sitting


Marka labaad waxaan hoosta ka xariiqaya in aanay Dawlada Somaliland iyo shicibkeedu toona waxba ka qaban karin hadii uu xanuunkan Covid-19 Albaabka ku soo garaaco, Africa oo dhamiba waxba kama qaban karto waayo?


Somaliland ma dhici karto in dadku ay aqbalaan 3 cisho Guryihiina ku jira oo ha soo bixina, ama meheradihiina xidha. Waayo? Dadku 80% waxay ay cunaan subixii ayay sida shumbiraha suuqyada doontaan weliba u doontaan si baqtiyaa nasiib ah oo dagaal iyo xarbi ku dhisan


Waa ta labaade Xanuunkani waa Hargab dadka uu ku dhacana 80% wuxuu ku maraaya safmareen aan waxba yeelaynin, lakiin inta uu soo rito oo u badan dadka waaweyn, dadka xanuuno hore lahaa iyo dadka buurbuuran keliya waxa loo qaban karaa waa in loo sameeyo Intensive Treatment taas oo la adeegsanayo Mechanical Ventilation. Somaliland ma yaala adeegani??? Waa maya!


Muuse Biixi yaanu waqti ku iibsanin Coronaviruska ee arimaha ay umadu ka sugayaan wax ha ka qabto ee ay ugu horeeyaan.


1. Marka hore hadii uu doonayo in uu uun wax ka qabto Coronaviruska, ha joojiyo Diyaaradan Ethiopian Airline oo xanuunka ka soo xamaali karta Bakhaarada uu ka buuxo ee Europa iyo America


2. In uu Dawladiisa ka dhigo Dawlad cadaalada oo reer Somaliland oo dhami u siman yihiin si loo helo midnimo lagaga hor tagi karo Coronaviruska iyo cidii kale ee soo duushaba


3. In uu dadka u sheego wixii ay Farmaajo ku soo wada hadleen si uu meesha uga baxo shakigan ka hadalsiiyay Suldaamo iyo Siyaasiyiinba.


4. In uu Doorashooyinkii la sugaayay uu qabto oo aanay isaga iyo Ina Kaahin marmariisiyo ka dhiganin in ay Afka ka sii duubduubtan, Coronaha Europa iyo America mushaaxaya.


Wuxuu yidhi Cawil Goondhas AHUN "Ma waxaro muqumad arkaaya ayaa dareeraya"

Image may contain: one or more people, people sitting and sunglasses

Imika ma umad cadaalad daro iyo maamul xumo arkaysa ayaa midoobaysa.!!!


Xidhiidhiyaha Yurub iyo Waqooyiga America ee Xisbiga Wadani


Osman Omar Dool
Oslo Norway

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...