Muqdisho Oo Bandow Lagu Soo Rogay Iyo Ciidamada Booliska Oo Qasab Ku Xidhay Masaajido Lagu Tukanayey

0
Friday April 10, 2020 - 16:40:25 in News by
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Oo Bandow Lagu Soo Rogay Iyo Ciidamada Booliska Oo Qasab Ku Xidhay Masaajido Lagu Tukanayey

    Muqdisho Oo Bandow Lagu Soo Rogay Iyo Ciidamada Booliska Oo Qasab Ku Xidhay Masaajido Lagu Tukanayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho Oo Bandow Lagu Soo Rogay Iyo Ciidamada Booliska Oo Qasab Ku Xidhay Masaajido Lagu Tukanayey


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliyaa xukun deg deg ah ku soo rogtay magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya.




warar soo baxay ayaa sheegaya in dawlada federaalka ahi ay si dadban u hirgelisay xukkun bandow ah oo lagu soo rogay magaalada Muqdisho iyada oo laga hortagayo xanuunka sii faafaya ee Coronavirus.


Masuuliyiinta gobolka Banaadir ayaan ilaa hada si rasmi ah u shaacin bandowga la galiyey magaalada Muqdisho iyada oo ciidamada booliskuna  ay maanta xidheen qaar ka mid ah masaajidada magaalada Muqdisho oo shacabku doonayey inay ku tukadaan salaadii jimcaha, iyada oo hawl galka booliskana ay ka dhasheen rabshado ka dhacay qaar ka mid ah masaajidada.


Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho ka dhaqan galay Bandow lagu soo rogay, isagoo aan sheegin goorta uu amarkan soo baxay iyo cidda soo rogtay, lamana oga xilliga uu ka bilowdo ama ku eg yahay.



Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale la sheegay inuu amarkan ka yimid, iyadoo magaalada lagu arkay ciidamo Boolis ah oo ganacsatada ku amraya inay xiraan xarumahooda, siiba Wadadda Maka Almukarama waxayna dad badan la yaabeen bandow aan la shaacin, lagana warqabin iyo ciidamo dhaqan gelinaya.


Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...