Warqad Furan Oo Ku Socota Seddexdii Madaxweyne Ee U Dambeeyey Somaliland.

0
Friday April 10, 2020 - 13:37:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad Furan Oo Ku Socota Seddexdii Madaxweyne Ee U Dambeeyey Somaliland.

    Waxaynu wada ogsoonnay in binu Adamku aad u itaaldaranyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu wada ogsoonnay in binu Adamku aad u itaaldaranyey

baahidooduna joogto tahay oo ay asal u tahay abuurkooda. Qofka subaxaa soo toosa ee wax uu afka geliya ahayn baahidiisa iyo ka Madaxweyne ama taajir iyo wixii la mida lagu sheegaa iyana aad bay u baahanyihiin markaa Amin ka ad joogtaba baahida ayuunbaa kala magacyo leh ee qof kasta  baahibaa haysa waqti kasta ama adduun ha noqoto ama caafimaad ha noqoto ama nabadgelyo ha noqoto ama dhaawac jidhkiisa ku yaal ha noqoto waa la wada baahanyey qof kasta oo binu Adamka ah baahi weyn  baa hortaal markaa markaad dhinacaa ka eegto waa simanyey dadku waagii beryaba.

 

Haddaan kusoo dhowaado dulucdayda hadalka aan ugu horaysiiyo baahida saaka haysata Mudane Riyaale: qofkastaa wuu majeeran karaa Madaxweyne Riyaale oo wuu  odhan karaa lacag ku filan buu Wadanka France ku haystaa, aqal weyn ama aqalo ayuu ayuu Europe ku leeyahay waa  ( well off). Taasi waa majeerashadii Binu Adamka laakiin markaad dhinac kale ka eegto eed arinta rogrogto Madaxweyne Riyaale baahi weyn baa haysta oo werwer leh sida ta haysata qof Borame jooga oo markuu soo toos wax uu afka geliyo aan HAYSAN, waxaa dhici karta in kaa Borame joogaa caafimaad buuxa haysto Riyaale, xaaskiisa iyo caruurtii inay haystaan in ka badan 15 ballan oo caafimaadka dhib ka haysata markaa xigmadda meesha ku jirtaa waa caddaan labada dhinac ba baahiyi jirto laakiin Riyaale waxaa la gudboon inuu ummadduu ka yimi sadaqo u fidiyo dadkii baahnaa kan aan wuxuu afka geliyo aan haysaan waa inuu Riyaale u duceeyo.

RIYAALE waxaan gaadhsiinayaa inuu wixii xoolo loo tiranayey inkastuu madaxweyne Siilaanyo ka dhib yaraa oo xooluhuu wadanka ka qaatay aad uga yarayd hadana waa inuu sadaqo masaakiintii ku soo celiyo iyana u duceeyaan.

 

Siilaanyo iyo qoyskiisii aad bay u baahan yihiin subaxaa saaka ah oo caafimaadka ayey aad ugu baahan yihiin  duco ayey u baahan yihiin masaakiinta ay xoolaha badan ka lunsadeena sadaqo ayey uga baahanyin markaa waxaan ku boorinayaa inay wasaaradda caafimaadka soo caawiyaan oo qalabka caafimaadka iyagu soo iibiyaan wax badan oo cudurkani lagaga hortago duco ayey heli doonaan badan. Dhakhtarka Hargeysa waa inay u soo iibiyaan mashiinada oxygen  ta oo maanta aad u jaban nus malyuun qudha ha ugu soo iibiyaan dhakhtarada SOMALILAND duco ayey heli doonaan iyo caafimaadka ay u baahan yihiin

 

Muse Biixi oo isagu maanta qasannaddii ummadda qacanta ku haya qudhiisa baahida uu baahanyey lama soo koobi karo dhinac caafimaad, nabadgelyo, qaharka hoggaanku leeyahay iyo wixii la mida isagaana waxaan fari lahaa Allah ha kuu dhibyareeyo waxa ku haysta ee badan ee dadka kaa cabanaya ee aad isleedahay waad ka gardarantay ka TANAASUL gardaradooda hadday maati yihiin hadday shaqaale tahay hadday qabaail tahay hadday masaakiin tahay ka ducayso oo wixii rabitaan adduun ah Assad xaq u lahayn iska sii daa way kuu ducayn dadkoo shami si dhibaatada badan ee ku haysata Allah kaaga khafiifiyo. ( DIATRIBE OF INCENTIVES WILL NOT TAKE THE COUNTRY ANY WHERE).

 

Wa bilaahi tawfiiq

M Bashe

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...