Allaha Naxariistii Janno Haka Waraabiyo Xildhibaan Marxuum Nuur Rayaale Oo Maanta Geeriyooday

0
Friday April 10, 2020 - 13:29:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Allaha Naxariistii Janno Haka Waraabiyo Xildhibaan Marxuum Nuur Rayaale Oo Maanta Geeriyooday

    Qoyskiisii Qaraabadii Ehelkii Dhamaan Golaha Guurtida iyo Shacabka Reer Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoyskiisii Qaraabadii Ehelkii Dhamaan Golaha Guurtida iyo Shacabka Reer Somaliland

 ee Xildhibaanku ka baxeyna Eebe Samir iyo Iimaan haka Siiyo Aamiin Aamiin AamiinMarxuum Xildhibaan Nuur Rayaale, Wuxuu Kamid ahaa Xubnaha Musadambeedkii Golaha Guurtida kasii Nool Ragii Dureed ee Sida Aadka iyo Laxaadka ah uga Soo Qeyb Qaatey Dhismihii iyo Yagleelkii Qaranka Somaliland Shirarkii Dib u Heshiisiinta iyo Hawlo Fara baddan oo Nabedgelyada iyo Maslaxada la Xidhiidha Allaahu Yarxamu isaga iyo Xubnihii Guurtida Somaliland ee Dhidibada usoo taagey Somaliland.Halkan kaga Bogo Taariikhda Marxuumka Allaha Naxariistii janno haka Waraabiyee  Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre wuxuu ku dhashay Degmada Boorama ee G/Awdal sanadkii 1937, wuxuu ku Barbaaray isla Deegaanada Boorama iyo Degmada Awbarre ee Dhinaca Dawllad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo wakhtiyadaa hoos iman jirtay boqortooyadii ingiriiska, sanadihii 1960- 1972 wuxuu u shaqayn jiray wasaaradii Beeraha ee Somalia, intii ka dambaysay 1974-1990 wuxuu ka mid ahaa golihii Arimaha bulshada ee degmada Borama,

 

intaa wixii ka dambeeyay wuxuu ahaa odayaashii nabadgelyada beelaha Somaliland ka qaybqaatay, 1993 ilaa 2020 wuxuu ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland, waxaa lagu xasuusan doonaa ilaalinta nabadgelyada beelaha deriska ah iyo hirgelinta dawladnimada dalka Somaliland, ma ahayn xildhibaanada mucaaradada kala horyimaad xukumada, wuxuuse ahaa xildhibaan u nasteexeeya madaxda oo talooyin wanaagsan siiya, xildhibaan Nuur Rayaale mar walba nabadgelyada ayuu u taagnaa, mana ogolaan jirin cid kasta oo burburinaysa nabadgelyada iyo nidaamka lagu heshiiyay ee dawladnimada Somaliland.

Hashim Goth


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...