Sheekuunbu Abiyee Wadaaye, Shanteenii Maysu Keenayaa.
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYA,
HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-SHEEKUUNBU ABIYEE WADAA,
SHAWRAAN DANI NOOGU JIRIN,
SHIRKABA AAN KA QAYBGALE,
SHANTEENII MAYSU KEENAYAA.
2-SHISHEEYE AAN NOO NAXAYN,
SHANSHADAYA NOOGU XIDHAY,
SHARAFBU DOONDOONAYAAYE
SHANTEENII MAYSU KEENAYAA.
3-AFRIKAANKU MA SHEEXAYAAN,
SHABEEL IYO SHAASH LEH AAR,
AYAAN SHEBEG UGU JIRAAYE,
SHANTEENII MAYSU KEENAYAA.
4-SHAKAALBA NALOOGU XIDHAYE,
SHIFO IYO DUCO LAGALA QUUSAY,
SHUSHOW BAX MARBANU ODHANE,
SHANTEENII MAYSU KEENAYAA.
5-SHARIYO KHAYRBA WAAN NAQAAN,
SHANTEENII HADDII LAYSU DIIDAY,
SHAANSHAAN KUURIYAW SHIRAQDO,
SHUCIGA XEEBTAN SOO SHUKH SIIYEY.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!