Kornayl Muuse Biixi Siduu U Arkaa Qorshaha Cusub Ee Abiy Axmed Ku Wajahayo Somaliland Iyo Soomaaliya?

0
Friday April 10, 2020 - 11:33:29 in News by
  • Visits: 3046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kornayl Muuse Biixi Siduu U Arkaa Qorshaha Cusub Ee Abiy Axmed Ku Wajahayo Somaliland Iyo Soomaaliya?

    Kornayl Muuse Biixi Siduu U Arkaa Qorshaha Cusub Ee Abiy Axmed Ku Wajahayo Somaliland Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kornayl Muuse Biixi Siduu U Arkaa Qorshaha Cusub Ee Abiy Axmed Ku Wajahayo Somaliland Iyo Soomaaliya


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la shaaciyay in uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee muddada badan hakadka ku jiray.




Madaxweyne Biixi ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ay bar-bar joogeen Guddoomiyeyaasha labada gole iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka Somaliland, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in dib loo furo wada-hadaladaasi.


Sidoo kale, Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Abiy Ahmed uu doonayo inuu kulansiiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya.


Wuxuu madaxweyne Biixi sheegay in cudurka dunida ku habsaday ee Coronavirus uu xiligan waxkasta ka muhiimsan yahay ka hortagidiisu, balse xiligeeda ay diyaar u yihiin wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la iskugu imanayo fagaare caalamiya.

Loading...
Loading...