Maxaad Kala Socotaa Bukaankii Muqdisho Ugu Geeriyooday Coronavirus?

0
Friday April 10, 2020 - 09:18:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socotaa Bukaankii Muqdisho Ugu Geeriyooday Coronavirus?

    "Markii hore, wuxuu ahaa odey xanuunsan oo Soomaaliyeed."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markii hore, wuxuu ahaa odey xanuunsan oo Soomaaliyeed."

Waxaa jira walaac ku saabsan xaaladda cudurka Coronavirus ee gudaha dalka Soomaaliya tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay cudurkani.


Bukaan 58 jir ah oo muddo xanuunsanaa ayaa noqday qofkii ugu horreeyay oo Soomaaliya ugu dhintay cudurkaasi. Sidoo kale afar qof oo hor leh ayaa lega helay cudurkan, taa oo tirada guud inta la ogyahay ka dhigayso 12 qof.



Walaaca ugu weyn ayaa ah in bukaankaasi uu muddo sagaal ilaa toban maalmood ah uu yiillay cusbital gaar loo leeyahay isla markaana aan looga shakin cudurkaasi.


Sidoo kale waxaa walaaca kordhiyay dadkii la macaamilayay bukaankaasi oo qaarkood hadda aan la ogayn xaaladdooda caafimaad.


Maxamuud Saahid Maxamuud oo ah madaxa caafimaadka ee Cusbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ah halka uu muddada jiifay bukaankaasi ayaa BBC-da u sheegay in bukaankaasi uu markii hore qabay xanuunka Oof-wareenka, sidaa awgeedna ay neeftu dhibeysay .


"Markii hore, wuxuu ahaa odey xanuunsan oo Soomaaliyeed. Oof-wareen ayuu qabay. Marka odeygaan ogsijiin ayuu u baahday, ogsijiinkaasi ayaana xaaladdiisa halis ka dhigay balse calaamaadkii sida qandhadii iyo quficii ma uusan lahayn. Sidoo kale taariikh safar ma uusan lahayn, mana jirin ruux safar ka yimid oo u yimid…."


Maxamuud Saahid waxa uu intaasi ku daray in bukaankaasi ay ku daweynayeen dawooyinka antibiyootigga balse ay ku tala galayeen suurtagalnimada cudurka Coronavirus.


Waxa uu sheegay in baaritaan laga qaaday uu soo daahay balse habeen hore ay natiijadii caddaatay in uu cudurkaasi qabto.


"Isla saacaddiiba waxaan qaadannay go'aan sax ah oo shaqaalihii maamuli jiray ayaan niri horey u sii wada iyo dhakhtarkii mas'uulka ka ahaa. Sidoo kale darawalkii gaariga gurmadka deg degga ee qaaday bukaankaasi ayaan baaritaanno ka qaadnay", ayuu yiri Maxamuud Saahid.


"Kiiskii intuu annaga noo joogay ogsijiinkaasi mooye intiisa kale wuu fiicnaa. Laakiin markaan u gudbinnay cusbitalka Martiini, meeshaa ayuu ku dhintay."


Walaaca kale ayaa ah in bukaankani ay soo booqanayeen eheladiisa iyo xitaa culimo la sheegay in ay Quraan ku akhrin jireen muddadii uu xanuunsanaa, kuwaasi oo aan la sheegi karin xaaladdooda. Balse Maxamuud waxa uu sheegay in qolka uu bukaankaasi jiifay bannaankiisa kuraas loo dhigi jiray culimadaasi oo ay halkaa Quraanka uga akhrin jireen.


Waxa uu intaasi ku daray in aan la ogayn xitaa tirada culimadaasi.

Wasiirka caafimaadka dawdlada federalka Soomaliya Fowziya Abiikar Aaadan ayaa xaqiijisay in bukaankaasi uusan dibadda ka iman ee uu ahaa qof magaalkada Muqdisho deggan.


Saacado ka dib markii bukaankaasi uu u dhintay cudurka Coronavirus ayaa duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) waxa uu sheegay in cudurkaasi ay dad badan ugu ildaran yihiin gudaha magaalada caasimadda ahi, halka qaar kalana ay u dhinteen, kuwaas oo sida uu sheegay qaarkood uu isaga shakhsiyan u yaqaan.


"Magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa dadku in aanay ka warqabin cudurkaas waa soo gaaray dad badan ayaa u ildaran qaarna waa u dhinteen anigu aan garanayo...qaar aan anigu garanayo oo aan dibad ka imaan oo dalkooda joogay ayaa ku dhintay oo qaarna la aasay qaarna aan hadda weli la aasin arrintaas marka waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo" ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.


Cumar Filish, ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay halis weyn oo ah in dadka magaalada ay ka feejignaadaan oo ay qaataan tallooyinka caafimaad guryahoodana ay joogaan.


Walwal iyo walaaca ayaa ku sii kordhay dadka ku nool magaalada Muqdisho kaddib markii cudurka coronavirus uu isbitaal magaaladaas ku yaal ugu geeriyooday qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliya cudurkaas ugu dhinta.

Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay 12 qof oo uu ku dhacay Coronavirus.

 

BBC

Loading...
Loading...