In Salaadiin Loo Jawaabo Hawl Ka Culus Ayaa U Taalla Hogaamiye Muuse Biixi....Faallo

0
Thursday April 09, 2020 - 18:01:54 in News by
  • Visits: 2074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Salaadiin Loo Jawaabo Hawl Ka Culus Ayaa U Taalla Hogaamiye Muuse Biixi....Faallo

    In Salaadiin Loo Jawaabo Hawl Ka Culus Ayaa U Taalla Hogaamiye Muuse Biixi....Faallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Salaadiin Loo Jawaabo Hawl Ka Culus Ayaa U Taalla Hogaamiye Muuse Biixi....Faallo

Hargeysa(HWN):-Iyada oo uu aduunku dagaal xoogan kula jiro dhibka uu ku hayo xanuunka halista ah ee Coronavirus  ayaa hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi  oo shacabku ay baafinayeen maalmihii ugu dambeeyey waxa uu la horyimid dood uu kala hortagay salaadiinta somaliland oo ku doodaya inay qayb ka noqdaan wada hadalka Muqdisho Iyo Hargeysa.




Hogaamiye Muuse Biixi oo maanta la hadlay warbaahinta mar uu soo kaxaystay gudoomiyeyaasha xisbiyada iyo goleyaasha wakiilada iyo guurtida waxa uu salaadiinta ugu baaqay inay faraha kala baxaan arimaha siyaasada, isaga oo ugu hanjabay haddii ay faraha kula sii jiraana ay la kulmi doonaan talaabo aanay mahadin.

Muuse Biixi waxa uu guud ahaanba iska ilaaway masuuliyada ka saarnayd inuu shacabka somaliland kala dabaasho isla markaana noloshooda kaga badbaadiyo xanuunka halista ah ee coronavirus oo haatan haleelay dad somaliland ku sugan.


Dawlada Muuse Biixi oo lagu tilmaamo mid ku timid heshiis dhexmaray qaar ka mid ah salaadiinta beelaha somaliland ayaa haatan balse waxa uu haatan ganbadh gaaban ugu soo  fadhiyaa salaadiinta ka damqaday sida uu u dayacay masuuliyadii ka saarnayd qaranka ee doonaya inay la ogaadaan nuxurka wada hadalka ay somaliland la yeelanayso soomaaliya maadaama oo uu hore uga qariyey shacabka iyo haldoorkoodaba wada hadalkii uu madaxweyne Farmaajo kula yeeshay Addis Ababa.



Hogaamiye Muuse Biixi ayaan maanta laga filayn inuu  daba socdo hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah Salaadiinta dhaqanka maadaama oo ay hortaalo hawl weyn oo u baahan in isaga iyo xukuumadiisuba ay kala dabaashaan shacabka somaliland.


Kornayl muuse biixi arimaha uu salaadiinta ku dhaliilayo waa wadadii uu u jeexay wakhtigi calancasta ee uu salaadiinta kaga horkeeni jiray madaxweynihii 2aad ee somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.


Hadhwanaagnews.
Hargeisa Office.
Loading...
Loading...