Warbixin Ku Saabsan Baanka BCIMR Oo Hadhwanaagnews Idiin Soo Bandhigayso
Hargaysa(HWN):-Waxaanu Warbixin kooban ku eeggaynaa Baanka BCIMR ee dawladda Djibouti sheegtay innuu yahay Baanka daynta ku leh Ganacsaddaha reer Somaliland Axmed Cismaan Geelle Arab, taasoo ah been abuur cad oo aan sal iyo raad toonna lahayn.
Waxaan 24 saacadood ee ugu danbeeyay baadhitaan ku samaynaayay bangiga Banque
pour le Commerce et l'Industrie – Mer Rouge, oo loo soo gaabiyo (BCIMR). Cidda
leh? Sida loo maamulo? iyo Halkuu ka diiwangashan yahay.
Bangiga waxaa %70 saamigiisa leh qoyska madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti
Ismaciil Cumar Geelle, xaruntiisuna waxay ku taalla magaaladda Djibouti, %30
waxaa leh laba ganacsade oo u dhashay dalka Yemen.
Gebi ahaanba Bangigu wuxuu leeyahay laba xarumood mid Jibouti ku taalla iyo mid yagleel ah oo ay sannadkii
2009 kii, ka furteen Hargeysa, waa been
aan sal iyo raad toona lahayn in Bangi BCIMR la
yidhaahda uu xarun ku leeyahay dalka Faransiiska,ama laga leeyahay dalka
Faransiiska balse BCIMR wuxuu ka diiwan-gashan yahay suuqa sayladda ee magaaladda Paris.
Waxaannu xidhiidh la samaynay qaybta diiwaanka Hay’addaha maaliyadda ee sayladda ugu weyn dalka Faransiiska ee loo
yaqaano, Euronext Paris, si aan u ogaano cidda ku diiwangashan saamiga Bangiga
BCIMR, waxaana Euronext Paris ay
xaqiijiyeen in bangiga BCIMR uu saamiyadiisa maamulo Mr. Nyckoss, Tommy Tayoro,
oo ay dhalashadiisu tahay dalka Ivory Coast, isla markaana ay u dhaxday mid ka
mid ah hablaha Madaxweynaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle.
Sida lagu sheegay bogga bangiga BCIMR, %51 saamiga Bangiga waxaa leh Bangi kale
oo la yidhaahdo Bred oo ka diiwan gashan dalka Faransiiska, balse waxaan ogaaday
in Bangigaasi uu shan sanno ka hor iibsaday %20, saamiga BCIMR, balse uu dib
iskaga iibiyay saamigaasi,kadib markii uu ka baqday baadhitaan kaga
yimaadda waaxda dabagalka shuruucda ee Banque De France.
Si kastaba ha ahaatee, Baankan BCIMR waa Bangi ka jira dalka Djibouti oo ay
Saamiga ugu badan ku leeyihiin Qoyska Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar
Geelle, manna jirto sida ay sheegayaan innuu Xarumo ku leeyahay dalka
Faransiiska.
[email protected]
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland