War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Amray Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Agaasimihii Cusbitaalka Guud.

0
Thursday April 09, 2020 - 15:41:17 in News by
  • Visits: 3520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Amray Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Agaasimihii Cusbitaalka Guud.

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Amray Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Agaasimihii Cusbitaalka Guud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Amray Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Agaasimihii Cusbitaalka Guud.


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa wasiirkiisa caafimaadka amar ku siiyey inuu xil ka qaadis ku sameeyo agaasimaha cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Dr. Yaasiin Carab.

Masuulliyiinta Cusbitaalka Hargeysa oo ka warbixiyay xaaladda ...


amarka hogaamiye Muuse Biixi ayaa ka dambeeyey markii uu la saftay  agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Maxamed Cabdi xergeeye iyo Agaasime waaxeed ka tirsan cusbitaalka guud oo lagu magacaabo Xuseen Axmed Xaashi Oday Oo ay is khilaafeen Dr. Yaasiin Carab.


agaasimihii cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Dr. Yaasiin Carab oo mudo ka yar lix bilood hayey xilkaasi ayaa caqabad kala kulmay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka iyo agaasime waaxeedka agabka cusbitaalka ka dib markii ay dhibsadeen qorshe uu ku habaynayey nidaamka maamul iyo maaliyadeed ee cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.


dhinaca talaabada uu hogaamiye Muuse Biixi kula saftay labadan masuul oo ay isku deegaan yihiin ayaa rajo tiraysa cid kasta oo doonaysa inay hagaajiyaan hay'addaha dawladeed ee qabta adeegyada ugu muhiimsan shacabka

Loading...
Loading...