Dawlada Imaaraadka Oo Qalab Caafimaad Soo Gaadhsiisay Somaliland+Swiro

0
Wednesday April 08, 2020 - 13:16:16 in News by
  • Visits: 2756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Imaaraadka Oo Qalab Caafimaad Soo Gaadhsiisay Somaliland+Swiro

    Dawlada Imaaraadka Oo Qalab Caafimaad Soo Gaadhsiisay Somaliland+Swiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Imaaraadka Oo Qalab Caafimaad Soo Gaadhsiisay Somaliland+Swiro

Hargeysa(HWN):-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta mucaawinadii ugu horaysay ee gurmadka xanuunka Coronavirus soo gaadhsiisay Jamhuuriyadda Somaliland, subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kasoo degtay Diyaarada nooca Xamuulka qaada ah oo ka timi Waddanka Imaaraadka, islamarkaana siday mucaawino caafimaad oo isagu jirta Dawooyin iyo qalab lagaga hortago xanuunka Covid19.




Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyada, Diinta iyo Awqaafta oo halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey Agabka caafiamad ee ay soo dhiibtay Dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta oo noqotay Dawladdii ugu horaysay ee Somaliland soo gaadhsiisa gurmad caafimaad, wakhti dalalka aduunku iska daa inay cid caawiyaane ay diideen yihiin in dalkooda ay ka baxaan agabka caafimaadku.


Wasiirada ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ugu mahad celiyey mucaawinada soo gaadhsiyeen, iyagoo sheegay inay garwaaqsanayaan xili dunidu kala xidhan tahay in Dawladda Imaaraadka ay Somaliland soo gaadhsiiso iyadoo Dawladdihii adduunyadu kala boobayayaan qalabkaasi.


 




Loading...
Loading...