Diyaarada Itoobiya Oo Shaacisay Khasaare Maaliyadeed Oo Soo Gaadhay Iyo Shaqaale Uu Kaga Dhacay Covid-19.

0
Wednesday April 08, 2020 - 12:44:04 in News by
  • Visits: 2315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarada Itoobiya Oo Shaacisay Khasaare Maaliyadeed Oo Soo Gaadhay Iyo Shaqaale Uu Kaga Dhacay Covid-19.

    Diyaarada Itoobiya Oo Shaacisay Khasaare Maaliyadeed Oo Soo Gaadhay Iyo Shaqaale Uu Kaga Dhacay Covid-19.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarada Itoobiya Oo Shaacisay Khasaare Maaliyadeed Oo Soo Gaadhay Iyo Shaqaale Uu Kaga Dhacay Covid-19.


Addis Ababa(HWN):-Diyaarada Ethiopian Airline ayaa shaacisay khasaaraha ka soo gaadhay xayiraadaha duulimaadyada ee wadamada caalamku soo rogeen si looga hortago xanuunka dunida faraha baas ku haya ee Covid-19.

COVID-19: Ethiopian Airlines reports $550M revenue loss


Maamulaha diyaarada Itoobiya Tewolde GebreMariam oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey khasaaraha maaliyadeed ee soo gaadhay iyo shaqaale ka hawl gala diyaarada oo laga helay xanuunka Covid-19.


Maamule Tewolde GebreMariam oo ka hadlaya khasaaraha maaliyadeed ee soo gaadhay diyaarada Itoobiya ee uu sababay xanuunka Coronavirus ayaa waxa uu yidhi "Diyaarada Itoobiya Airline waxay khasaartay lacag gaadhaysa $550 Million markii la xayiray duulimaadyada caalamiga ah oo uu xanuunka safmarka ah ee Covid-19 sababay.”


Maamulaha diyaarada Itoobiya Tewolde GebreMariam oo ka hadlaya duulimaadyada ay diyaaradu hada ka faa,iidaysanayso ayaa waxa uu yidhi "Shirkadu hada waxay ka faa,iidaysanaysaa duulimaadyada ay ku qaado alaabada(Cargo) kuwaas oo ay ku jiraan qalabka caafimaadku, waxaanan diyaaradaha yaryar ka jarnay kuraasida ay rakaabku ku fadhiistaan kuwaas oo diyaarinayo inay qaadaan duulimaadyada alaabada oo dakhligii shirkada ka noqonaya 15%”


Sidoo kale waxa uu sheegay inay sii wadayaan duulimaadyada u hadhay "Diyaarada Itoobiya waxay sii wadaysaa duulimaadyo gaadhaya 19 oo ay samayn doonto kuwaas oo ka soo hadhay duulimaadyadii aanu samayn jirnay oo ahaa 110”


Dhinaca kale Tewolde GebreMariam maamulaha shirkada diyaaradaha Itoobiya waxa uu sheegay in sadex ka mid ah shaqaalaha diyaarada laga helay xanuunka Covid-19 kuwaas oo hada xaaladooda caafimaad ka soo raynayso waxanu yidhi " Dedaalkayagu waa inaanu shaqaalaha ka ilaalino inuu ku dhaco xanuunka Covid-19, ilaa hadanasadex ka mid ah shaqaalaha diyaarada ayaa la ogaaday inuu ku dhacay xanuunku kuwaas oo hada ku jira xaalad caafimaad oo aan khatar ahayn.”

Loading...
Loading...