Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Soo Bandhigay Wada Hadal Uu La Yeeshay Hogaamiye Muuse Biixi

0
Wednesday April 08, 2020 - 12:40:45 in News by
  • Visits: 3458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Soo Bandhigay Wada Hadal Uu La Yeeshay Hogaamiye Muuse Biixi

    Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Soo Bandhigay Wada Hadal Uu La Yeeshay Hogaamiye Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Soo Bandhigay Wada Hadal Uu La Yeeshay Hogaamiye Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa soo bandhigay wada hadal ay khadka telefanka ku yeesheen hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor


Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay in hogaamiye Muuse Biixi ay ka wada hadleen qodobo la xidhiidha amniga iyo ka hortaga xanuunka Coronavirus.


Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa kale oo uu sheegay inuu Muuse Biixi kala hadlay sidii xoriyadiisa loogu soo celin lahaa suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku jira jeelka weyn ee Hargeysa.


Qoraalka uu baahiyey madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa u dhignaa sidan:


Waxaan xariir la sameeyay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, waxaana ka wada hadalnay Arimaha Amniga iyo sidii La-iskaga kaashan lahaa si looga hortago caabuqa Covid19, loona adkayn lahaa xuduudaha labada dhinac si looga hortago faafida cudurka.”


Madaxweyne Mustafe Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaan sidoo kale madaxwaynaha kawada hadalnay, Arinta Samafale Cabdimalik Coldoon madaxwaynaha aad buu ugu mahadsan yahay Tixgalinta codsiga xukuumada.

Loading...
Loading...