Somalia Maamul Goboleedyadii Oo Baaba'aya Iyo Somaliland Qabaa'ilkii oo Kala Goo-go'aya.

0
Wednesday April 08, 2020 - 10:34:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Maamul Goboleedyadii Oo Baaba'aya Iyo Somaliland Qabaa'ilkii oo Kala Goo-go'aya.

    Waxaa mudan in wax la iska weydiiyo sannadaha soo socda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa mudan in wax la iska weydiiyo sannadaha soo socda
SOMALIA iyo SOMALILAND isbedelkan soo socda ee inoo soo bidhaamayaa siduu u ekaanaya was arin aad u muhiima. 

Haddaan cudurkani siduu u socdo dunidoo dhan wax ka bedelin oo waxaa la hadal hayaa Dagaal weyn oo ka dhex bilaabmaya China iyo America oo dhaqaalaha adduunku wuu baabayaa wax walbana wey kala xidhmayaan dabadeed sidii wax ahaan jireen ku celiyaa la is odhanayaa halkaa saa dagaalku ka bilaabmayaa.  Khubaro ayaa hadda bilawday inay arintan haddaan.


Haddaan tennis ku soo laabto

Hadduu cudurkani dhaqso dunida u dhaafo dunidu sideedii bay u soconaysaa isbedelka geeska Africa wuu laba kaclaynayaa. Dawlad goboleedyada waa baaba ayaan dhaqso  SOMALILAND na waxaa muuqda in kala yaac yaac qabaailka ISAAQA ayaa laba kaclaynaya jahawareerka Xukuumadda awgeed. Madaxweyne Muse arin u gaara buu ku dhawaaqday Markuu Farmaajo la kulmay Dabin baanu lugta la galay.


 maxaa wacay Doorashii u dambeysay ayaa wadanka jihadii laga duwey oo boob iyo badheedh iyo budhcadnimo Xukuumadda qasab lagu samaystay.  Taa waxaaba kasii daray hogaamiye Muse Biixi oo yidhi waan dhiiranayoo  lugahaba kuma soconayee madaxaan ku soconayaa ee I eega.  Isagoo cidna  la tashan oo xitaa cidna talo Weydiin oo la xidhiidh furmay tana waxaa ka dhashay  MIDNIIMO IYO MSR KALE OO DHULGARIIR KU SAMAYSAY SOMALILAND, SALAADIINTII OO KU DHAWAAQDAY SIDAN SOMALIA OO LALA HADLO AYAA KA WACAN OON ANAGUNA WADA HADALKA DOORWEYN KA QAADANO. WAXAA KALOO (ON THE GROUND) AHAA PROGRAMMES U TUBE AH OO PULSHADII SOOMAALIYEED HABEEN KASTA FIGRADO IYO JECLAAN KA BILAABAAN OO LAGAGA DAAWASHO BATAY XITAA TV YADII. WAXAA KA QAYB QAADATAY QABAAILKII XUKUUMADDA KULMIYE QAYBISAY INTAY JIRTAY OO SOMALILAND NIMADII BAXAADEGATAY OO MINJAHEEDII IYO MADAXEEDII ISWAAYEEN.


Hadduu dagaal weyni dhaco waana lagama marmaan hadduu cudurkanii sii socdo waayo isbedel ka dunida ka dhacaya baa dagaalka keenaya.  Hadduu dagaalkaasi yimaado Ethiopia xagga badday u soo dhaqaaqaysaa, laba jeer oo hore ayaa wadanka Somalida ay qaadatay oo xalaalaysatay (kilalka shannaad iyo Hawd) imika waxay noqonaysaa markii seddexaad, isbedelka geeska Africa nuxurkiisu Waa somalia waxaa liqaysa Ethiopia weliba SOMALILAND baa khatar ku jirta oo iyadu cidla isla meeraysanaysa. Commission doorasho ayey samaysan kari weyday. Madaxweyne kiisaskii jagooyinka ee ay dadka isku haystaan baa labaatan ka batay oo iyadoon Maxkamadi dhicin baa wax kastaa socdaan. Xaalka SOMALILAND oo caynkaas ah baa cudurkiina soo gaadhay. MILITARYGII IYO SHACABKII BAA DHUL ISKU HAYSTA, MADAXWEYNIHII IYO MAATIDIIBAA DHUL ISKU HAYSTA. Maxkamadii ma MUUQDAAN ba ( not functioning).


MEEL XUN BAY SOMALILAND MARAYSAA. 

M BASHE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...