Ex. Wasiir Cabdilaahi Dheere Oo Dhaliilay Qorshaha Xukuumada Muuse Biixi Ku Wajahday Coronavirus.

0
Wednesday April 08, 2020 - 09:06:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Cabdilaahi Dheere Oo Dhaliilay Qorshaha Xukuumada Muuse Biixi Ku Wajahday Coronavirus.

    "Xukuumaddu qorshe umadda qanciya ha la timaaddo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumaddu qorshe umadda qanciya ha la timaaddo"

Hargeysa (HWN) – Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), oo Xukuumaddii Axmed-Silllaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, muddo aad u dheerna ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida, ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay qorshe umadda qanciya, balse aan looga baahnayn inay dadka ku qasabto inay guriyahooda joogaan.

 

Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi "Umaddeena taagooda dhaqaale weynu garanaynaa, oo umaddu waxay u badan tahay qaade ma dherge iyo xoogsato, waxaana dhab ah in qof walba oo subixii ka soo baxa gurigiisa oo u soo shaqo tago carruur, waalid iyo cid guriga kaga dambaysa, aad iyo aad bay u wanaagsan tahay inay dadku qaatan wacyigelinta ka soo baxaysa Xukuumadda, ee ah inay iska ilaaliyaan Coronavirus iyo in laga fogaado wax kasta oo lagu kala qaadi karo, laakiin dad qaadaa ma dherge  ah, oo cidi u maqanayn, ceelna u qodnayn, xoog waxba laguma marsiinayo, ee Xukuumaddu qorshe umadda qanciya ha la timaaddo, oo Xukuumaddu ma wada awoodda inay Somaliland oo dhan umadda ku nool ay raashin iyo cunto u qaybiso, ee ha ku dadaasho inay aad u wacyigeliso, oo ay ku dadaasho sidii ay ugu wacyigelin lahayd in aad la iskaga ilaaliyo xanuunka Coronavirus”.

 

Mar uu ka hadlayey Caalamka iyo Coronavirus ayaa yidhi "Waddamo innaga hanti iyo dhaqaale badan baa xanuunkan xamili waayey, oo awood ay iskaga ilaaliyaan waayey, intaas oo khubaro ah oo iskaga kala timid adduunyada ayaa u soo saari kari weyday dawo ay xal ugu raadiyaan, ee ILLAAHAY aynu u noqono, oo baryadiisa aynu badino, oo cabsidiisa aynu badino, oo salaatul laylka dadku ha tukadaan, oo ILLAAHAY aynu ka barino inuu xanuunkan inaga ilaaliyo, oo umadda islaamka ah ka ilaaliyo”


Loading...
Loading...