War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xaalada Raysal Wasaaraha Britain Ee Uu Haleelay Coronavirus

0
Wednesday April 08, 2020 - 08:18:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xaalada Raysal Wasaaraha Britain Ee Uu Haleelay Coronavirus

    WASHINGTON. D.C — Xaaladda ra'isulwasaaraha Britain Boris Johnson ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASHINGTON. D.C — Xaaladda ra'isulwasaaraha Britain Boris Johnson ayaa

la sheegay in ay ka wanaagsantahay sidii ay aheyd Isniintii, hase yeeshee wali wuxuu ku jira qolka gargaarka deg deg ah, kaddb marki uu soo ritay cudurka Covid-19.

 

Afhayeen u hadlay xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in xaaladda Ra’isulwasaaraha ay dagantahay si wanaagsanna loogu tacaalayo isbitaalka. Wuxuu kaloo sheegay in uu si caadi ah u neefsan karo uusann u baahan qalabka dadka ka caawiya neefsashada.

 

Johnson ayaa ah hogaamiyihi ugu horreeyay oo uu ku dhaco cudurka Coronavirus. Iyadoo dhambaallo lagu taageerayo looga soo diray Ingiriiska iyo dhamaan aduunyada.

Isniintii ayaa la dhigay qeybta xaaladaha deg deg ah ee İsbitaalka St. Thomas ee magaaada London, Wasiirkiisa arrimaha dibadda Dominic Raab ayuu weydiistay inuu wadanka maamulo inta uu xafiiska ka maqanyahay.

 

Ingiriiska ayaa waxaa ilaa iyo hadda cudurka Covid-19 ugu dhintay ku dhawaad 6 kun iyo 200 oo qof, iyadoo Talaadadi shalay la diiwaangeliyay tiradi ugu badneyd ee hal maalin dalkaasi ugu dhimata xanuunka oo ah 786 qof.




VOA

Loading...
Loading...