Coronavirus: "Waxaan qabri u sii diyaarinayaa dadkii oo nool"

0
Wednesday April 08, 2020 - 04:46:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Coronavirus: "Waxaan qabri u sii diyaarinayaa dadkii oo nool"

    Hargeisa(HWN):-Golaha hose ee dowladda Britain ayaa isku diyaarinaya in fayraska Corona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Golaha hose ee dowladda Britain ayaa isku diyaarinaya in fayraska Corona

Hargeisa(HWN):-Golaha hose ee dowladda Britain ayaa isku diyaarinaya in fayraska Corona ay u dhintaan dad cusub oo isbitaalada u jiifa qeybta xaaladaha deg dega ah.


Clive Kalber waxay kanisadda parish ee ku talla Cornwall ka codsaday inuu qodo qabriyo dheeri ah oo lagu aaso dadka u dhimanaya Coronavirus.

"Waa shaqo ay tahay inaan sameyno, waxaa nasiib darro ah in tan ay tahay xaaladda dhabta ah ee hadda aan ku jirno," ayuu yiri Mr Clive Kalber.

Guud ahaan, Britain waxay isu diyaarineysaa latacaalidda haddii xaaladda ay sii xumaato iyadoo tirada dadka uu ku dhacay cudurka ay mareyso ku dhowaad 53 kun, halka 5385 qof ay fayraska u dhinteen.
gravedigger digging a grave

"Waxaan qodaa qubuuraha, waxaana sidoo kale dayactir ku sameeyaa qabriyada, qof walbo uma sahlana, waxay ila tahay inay dadka qaar moodayaan inay la kulmi donaan waxaysan filaneynin, taasi aad ayey u walbahaar badantahay, ma jecli inay ku fikiraan khabri, ma aysanna jeclaan lahayn inaay xita qodaan, balse aniga, culeys igu ma hayso qodidda qabriyada.''

Clive Kalber wuxuu diyaarinayaa 4 qabri oo dheeri ah, oo lagu tallo galay in haddii ay dhintaan lagu aaso dadka la xanuunsan fayraska corona ee hadda isbitaalada ku jira.

"Runtii dad badan ayaa isku diyaarinaya oo qodayo qabriyo dheeri ah, iyo qabuuro haddii loo baahdo lagu xabaali karo dad badan, waxaan mar walbo xaqiijiyaa inay wax walba diyaar yihiin. Waa mid ka mid ah waxyabaha aad isku dayi karto in aad si wanaagsan ugu hagaajiso qoysaska dadka ay ka geeriyoonayaan, xushmad ayey ii tahay", Ayuu yiri Mr Clive Kalber.

Clive Kalber ayaa sheegay inaysan waligiis dhicin inuu sii qodo qabri qofkii lagu duugi lahaa uu weli noolyahay.

"Waligey arrintan maanan sameynin, dhabtii waa wax xanuun badan, in qabri aad u sii qodid dad aanan weli dhimanin. Waxay ka mid tahay dhacdooyiinka xanuunka badan ee dhacay waqtiga lagu jiro xaaladda adag, waxaan rajeynayaa inaan qabriyadan aanan isticmaalin oo dadku ay iska nooladaan''.

UK ayaa la tacaaleysa cudurka Covid-19. Raisul wasaaraha dalkaasina, Boris Johnson ayaa la seexiyay isbitaal ka dib markii xaaladdiisa ay sii adkaatay.
Horay ayuu Rai'sul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ugu sheegay warbaahinta, in uusan wax walaac ah ka qaban in uu dadka gacanta ku salaamo, xiili uu Britain cudurka ku sii faafayay, wuxuu ku dooday in muhiimadda ay tahay in qofka uu gacanta dhaqdo.

Cudurka saf-marka ee Corona ayaa dowladaha caalamka wuxuu ku qasbay in ay u kala cararaan sidii ay u xakamayn lahaayeen faafidiisa.

Cudurka ayaa waxaa uu soo ritay in ka badan 1.3 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 74,000 qof, guud ahaan caalamka.

Xigasho:-BBC-Somali

Loading...
Loading...