Xukuumada Muuse Biixi Oo Hawl Galinaysa Ciidamada Milatariga

0
Tuesday April 07, 2020 - 18:12:36 in News by
  • Visits: 3992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Hawl Galinaysa Ciidamada Milatariga

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Hawl Galinaysa Ciidamada Milatariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Hawl Galinaysa Ciidamada Milatariga


Hargeysa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Gaashaan dhiga Jamhuuriyadda Somaliland C/qani Maxamuud Caateeye oo ka qayb galay madal ay ciidanka Mulatariga ku soo bandhigayeen sida ay ugu diyaar garoobeen Xannuunka Korona Fayras.


Waxana madashaas ka qayb galay abaan duulaha ciidanka qaranka, taliyeyaasha ciidamada laanta socdaalka, Dab-damiska, taliye ku xigeennada ciidamada Booliska, Asluubta iyo Badda, hogaannada caafimaadka iyo waxbarashada ee ciidanka qaranka.




Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay hogaannada caafimaadka iyo waxbarashada ee ciidanka qaranka gaashaanle dhexe Axmed Shadi C/laahi iyo gaashaanle dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan, oo wasiirka halkaas warbixin ku siiyey, iyagoo sheegay inay kulamadii ugu dambeeyey ee ay yeesheen ay kaga hadlayeen talaabooyinkii ay qaadi lahaayeen iyaga oo u maraya habraacyada ay u dajidsay hay’adda caafimaadka adduunka ee W.H.O.


Geesta kale, abaan duulaha ciidanka qaranka sareeye guuto C/risaaq Siciid Bullaale (Afguduud) oo halkaas ku soo dhaweeyey wasiirka ayaa tilmaamay inay muddo ku hawlanaayeen sidii looga hortagi lahaa xannuunka Covid-19, isla markaana ay talaabooyin muhiim ah ay qaadeen muddadii ay ku gudo jireen hawsha u diyaar garawga xannuunkaasi.


Gabogabdii waxa madashaas soo afmeeray wasiirka wasaaradda gaashaan dhiga Somaliland C/qani Maxamuud Caateeye, oo ciidanka qaranka ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan sidii xannuunkaas looga hortagi lahaa, isla markaas alle ka baryey inuu xannuunkaas bulshada Somaliland ka salaamad yeelo.






Loading...
Loading...