Mareykanka Oo Qirtay Inay Dad Rayid Ah Ay Ku Dhinteen Duqeymo Uu Ka Fuliyey Soomaaliya

0
Saturday April 06, 2019 - 10:57:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Qirtay Inay Dad Rayid Ah Ay Ku Dhinteen Duqeymo Uu Ka Fuliyey Soomaaliya

    Mareykanka ayaa qirtay duqeymo ay bisha April Soomaaliya ka fuliyeen diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayan ay ku dhinteen dumar iyo carruur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka ayaa qirtay duqeymo ay bisha April Soomaaliya ka fuliyeen diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayan ay ku dhinteen dumar iyo carruur. Waa marki ugu horreysay oo uu Mareykanku qirto iney duqeymaha diyaaradihiisa ay fuliyeen ay ku dhinteen dad rayid ah tani iyo marka uu Soomaaliya ka billaabay duqeymaha dhinaca cirka ah.


Toddobaad ayaa ka soo wareegtay xilliga uu Mareykanka uu ku gacan seydhay eedeeymaha ay u soo jeedisay hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyada oo sheegtay shan duqeymo oo kala duwan uu Mareykanka ka fuliyey iney ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.



Duqeymaha dhinaca cirka ee ka dhanka ah Ururka al-Shabaab oo uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya uu ka bilaabay 2011-kii xilliga uu dalka Mareykanka uu Madaxweyne ka ahaa Barack Obama.


Inta xilka loo doortay Madaxweyne Donald Trump waxaa sii laba jibbaarmay weerarrada uu Mareykanka Soomaaliya ka fuliyo.


Mareykankana mar sii horreeyey wuxuu sheegay weerrada uu ka fuliyey Soomaaliya inuu ku dilay 800 oo ka mid ah dagaallamayaasha ururka al-Shabaab, wuxuuna ku adkeystay iney jirin dad rayid ah oo weeraraadaasi wax ku noqday.


Balse shir jaraa'id oo ay jimcihi qabteen Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ay ku sheegeen in baaritaan gudaha ah ay billaabeen kaddib marki ay hay'adda Amnesty ay warbixin ku saabsan duqeymaha ay soo gaarsiisay aqalka congreskana uu wax ka weydiiyey.


Madaxa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan Aficom General Thomas Waldhauser, ayaa amar ku bixiyey in baaritaan arrimahaasi ku saabsan la sameeyo gaar ahaanna dadka rayidka ah ee la sheegay iney duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyey Soomaaliya ay ku waxyeelloobeen.


BBC-da oo Africom wax ka weydiisay dadka ay waxyeellada soo gaartay iney magdhaw siinayaan iyo inkale, wuxuu Afhayeenka Africom uu ku jawaabay inuu arrintaasi hadda uu waxba ka dhihi karin balse ay kala shaqeeynayaan safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya.


"Dad rayid ah iney wax gaaraan waa suuragal balse inaga oo khaladaadka dhacay cashar ka qaadaneyna waxaan ku dadaaleynaa iney mar dambe arrima noocaasi dhicin.

Hay'adda Amnesty ayaa soo dhaweysay dabacsanaata Mareykanka uu ka muujiyey inuu oggolaado iney dad rayid ah wax soo gaareen iyada oo sheegtay inay tillaabadaasi billow tahay ayna fileyso inuu Mareykanku qaado tillaabbooyin intaasi dheer.


Sources: BBC

Loading...
Loading...