Walaalkaa U Gar Gaar Haddii Uu Gar Daran Yahay Ama Haddii Laga Gar Daran Yahay !!!!!!.

0
Saturday April 06, 2019 - 10:38:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Walaalkaa U Gar Gaar Haddii Uu Gar Daran Yahay Ama Haddii Laga Gar Daran Yahay !!!!!!.

    Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

Nabigeena Muxammad(Scw) Wuxuu Xadiis Saxiixa Ku Yidhi U Gar Gaar Walaalkaa Haddii Uu Gar Daran Yahay Ama Haddii Laga Gar Daran Yahay, Saxaabaddii Waxay Nabigeena Muxammad(Scw) Waydiiyeen Rasuulkii ILaahayoow Garanay Marka Laga Gar Daran Yahay, Sidee Baanu Ugu Gar Gaaraynaa Markuu Gar Daran Yahay?!, Nabigeena Muxammad(Scw) Wuxuu Yidhi Markuu Gar Daran Yahay Waad Qabanaysaan.


Waxaa Muddo Sanado Ah Soo Jiitamayey Khilaaf Ka Dhex Taagan Ganacsade Axmad Cusmaan Geele Iyo Bankiyo Sheerka U Badani Ay Ajaanib Yihiin Oo Ku Yaala Wadanka Jabuuti, Bankiyadaas Oo Sheeganaya 20,000,000 Usdollar, Labaatan Milyan Oo Dollar Oo Uu Ka Amaahday Ganacsade Geele, Balse Bankigu Uu Ka Hayey Hanti Lagu Qiyaaso 25,000,000 Usdollar, Shan Iyo Labaatan Milyan Oo Dollar, Ganacsadaha Oo Hantidiisa U Badani Ay Taalo Wadanka Jabuuti 90%, Xadhig Xukuumadda Jabuuti La Raadinaysay Oo Ka Soo Baxay Dhowr Sano Ka Hor Maxkamadda Jabuuti, Wuxuu Ganacsaduhu Ka War Helay In Waaran Qabasho Ah Loogu Diyaariyey Wadanka Jabuuti Isagoo Wadanka Jabuuti Ka Maqan, Ganacsaduhu Markuu Ka War Helay Wuxuu
U Soo Guuray Wadanka Uu Asal Ahaan Ka Soo Jeedo Ee Somaliland.

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Oo Aynu Ognahay Inuu Yahay Cadoowga Koowaad Ee Somaliland Leedahay, Dhibaatooyinkii Ay U Gaysteen Isaga Iyo Xasan Guuleedkii Ka Horeeyey, Maah Maah Ayaa Odhanaysa Gaalka Dil Gartiisana Sii, Xukuumadda Somaliland Waxaa La Gudboon Oo Waajib Adagi Ka Saaran Yahay Sidii Ay Xakhiisa Ugu Soo Dhicin Lahayd Ganacsadaha Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Hantidiisa Lagu Xayiray Ama Lagu Boobay Ama Lagu Biliiliqaystay Wadanka Jabuuti, Hantidaas Oo Dhan 128,000,000 Usdollar, Boqol Sideed Iyo Labaatan Milyan Oo Dollar, Ka Dibna La Gudo Galo 20,000,000 Usdollar, Labaatanka Milyan Oo Dollar Ee Bankiga Ajaanibku Ku Leeyahay.

Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Waa Inay Ka Fogaato Eexda, Xaglinta, Cadaalad Darada Iyo Sumcad Dilka Ay Kula Kacday Muwaadiniinteeda Ganacsatada Ah Oo Mid Ka Mida Hantidoodii Ugu Badnayd Geliyey Warshada Coca-Cola SBI Somaliland Beverage Industries Oo Ah Warshad Caalamiya Oo Ku Yar Wadamadda Afrika.

Madaxwaynaha Jabuuti Haddii Ay Daacad Ka Tahay Khilaafka Isaga Iyo Ganacsadaha Soo Galay Wuu Dhamayn Lahaa Si Ganacsaduhu Uu Daynta Bankiga Lagaga Leeyahay Iskaga Bixiyo Balse Waa Sadex Arrimood Oo Dhagaraysan Ayuu Somaliland Ka Leeyahay, Sadex Arrimoodna Ganacsadaha Ayuu Ka Leeyahay.

Sadexda Arrimood Ee Uu Xukuumadda Somaliland Ka Leeyahay Waxay Kala Yihiin:-
1. Inuu Xukuumadda Madaxwayne Biixi, Culimaaudiinka, Ganacsatada Uu Ku Lahaado Masuuliyiin Baasaboorka Jabuuti Haysta Oo U Dhego Nugul.
2. Inay Xukuumaddu U Noqoto Maamul Ka Amar Qaata Wadanka Jabuuti Oo Siyaasad Ahaan, Aragti Ahaan Iyo Moowqif Ahaan La Aragti Ah.
3. Xukuumadda Somaliland Inay Xadhig La Tiigsato Shacabwaynaha Somaliland Ee Dhaleeceeya Ama Cadoow U Arka Madaxwayne Geele.

Sadexda Arrimood Ee Ganacsadaha Uu Ka Leeyahay Waxay Kala Yihiin:-
1. Ganacsaduhu Inuu Garto Halka Uu Hantida Ku Yeeshay Ay Jabuuti Tahay Amarka Maxkamadda Jabuutina Aanu Ka Hor Iman Karin.
2. Inuu Ganacsaduhu Soo Raro Warshadaha Uu Somaliland Ka Dhisay.
3. Inuu Ganacsaduhu Ogolaado Baad Ahaan Wixii Lagu Xukumo Si Hantidiisa Xayiraada Looga Qaado, Xor na Uu U Yahay Inuu Ka Ganacsan Karo Somaliland Iyo Caalamka Intiisa Kale.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...