Ma Ogtahey Habeenkey Ugu Dhoweyd Inuu Saleebaan M Nuur (S-Gaal) Noqdo Madaxweynaha Somaliland Iney Aheyd 29 March 2009.

0
Monday April 06, 2020 - 23:11:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Ogtahey Habeenkey Ugu Dhoweyd Inuu Saleebaan M Nuur (S-Gaal) Noqdo Madaxweynaha Somaliland Iney Aheyd 29 March 2009.

    Lagana Baqey Inuu Ka Degi Waayo Oo Mudane Siilaanyo Ogolaadey Mudo Kordhintii Madaxweyne Riyaale Ee Bilaa Mudadda Aheyd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lagana Baqey Inuu Ka Degi Waayo Oo Mudane Siilaanyo Ogolaadey Mudo Kordhintii Madaxweyne Riyaale Ee Bilaa Mudadda Aheyd.

#Taariihda_Golaha_Guurtidda
#Faaladda_Damacii_Saleebaan.

 #Ahmed_Siilaanyo

Xaji_abdow doorashdii 2003 ayaa igu tidhi....Dhulbahante oo Maqan Samaroon Ha Raacinin.

#Xaaji_Abdi_Waraab.

Anba Doorashadii Golaha Guurtidda ee Saleebaan u tartamayey shir gudoonka anna aan latartarmayey si aan u hello  shir gudoonka guuritdda ayaad igu tidhi. Xaaji Abdow dhulbahante oo Maqan #Habarjeclo ha raacinin.


Ka dib markii Doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee dhici lahayd 15/04/2008 ay wakhtigeedii ku qabsoomi weydey Asxaabta mucuaradkuna ku eedeynayeen inu madaxweynu doorashadda u qaban waayey xil gudasho la'aan

ayaa Golaha Guurtidu kordhisay mudadii xilka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, kordhintaas oo mudadeedu ka bilaabmeysey 16/05/2008.

kuna dhammaanayso 06/05/2009, iyadoo laga ambaqaadaayo mudadaas la kordhiyey ayaa Komishanka iyo Asxaabta Qaranku ay yeesheen wada tashi muddo dheer qaatay, ka dibna ku heshiiyeen in Doorashada Madaxtooyadu qabsoonto 29/03/2009.

Hase yeeshee waxa markaas muuqatay in aanay qabsoomeyn Doorashadii Madaxtooyadu wakhtigii loogu tala galay 29/03/2009, sida ay Komishanku ka hor cadeeyeen Golaha Wakiilada 24/02/2009,iyo kulankii Asxaabta ee 28/2/2009.

Waxa sharcigu dhigayaa in waqtiga Madaxweynuhu dhamaado in golaha guurtiddu degdeg u sameeyo muddo kordhin si aaney usoo bixin waqti kala guur ah dalkuna aanu noqon madaxweyne bilaa sharciya oo aan ku fadhiyan. Qodobadda Dastuurka Somaliland.

29 march 2009 waxey aheyd maalintii ugu danbeysey ee ku habooneyd muddo kordhinta. Asxaabta Mucaraddka baa soo jeedisey in dalka laga dhiso xukumadd ku meel gaadha oo dalka gaadhsiisa doorasho.

Nasiib daro dastuurka kuma qorna madaxweynaha oo nool oo aan xaaladd degdegi ku iman in xilka lagaga xayuubin karo marka waqtigiisu dhamaaddo hadaan labadda gole ku soo oogin xil ka xayuubin ey ku saleynayaan khiyaamo qaran ama qodobo dastuuri ah oo uu jabiyey.

Hadal yaan idin ku daaline, waxa la soo jeediyey in Madaxweyne Rayaale xilka ka dego. Gudomiyaha golaha guurtiduna dalka xukunkiisa la wareego muddo 90 casho ahna dalka kaga qabto doorasho.

waxa ra'iygaas wadda xubno mucaaradka u badnaa xisbiga UCID IYO KULMIYE Iyagoo adeegsaneyey xubno ka tirsan labadda gole. siiba golaha guurtidda.

Xisbiga kulmiye ayaa qabey iney dalka kaga qabsoomi karto doorasho muddo gaadheysa 4 bilood.

Xisbiga UCID Baa qabey iney doorasho dalka kaga qabsoomi karto muddo gaadheysa 40 casho.

Marka laga soo tago labadaas marx-ladood waxa xisbiga UDUB qabey iney ku dhaceyso muddo gaadheysa ugu yaraan 6 bilood. waayo diwaan galin iyo qalabka doorashadda aya wax badani ka dhinayeen. komishankuna wey cadeeyeen.

Balse asxaabta mucaradka oo ka baqeysa in xukumadda loo sameeyo muddo kordhin xad-dhaafa aya ku anadooconayey in madaxweynuhu xilku ku wareejiyo Godumiyaha golaha guurtidda.

#DAMACII_SALEBEEN_IYO_DAGAAL_SICIID_TIMO_WEYNE

Halkaas marekey mareyso ayuu gudoomiye saleebaan u holladey inuu dalku galo waqti kala guur ah isagoo damcey in uu golaha fasaxo oo dib la isugu soo noqdo.

Waxeyna ku beegneyd maalintii ugu danbeysey ee sharciyan golahu haduu dhaafo ey noqoneysey inuu Madaxweynuhu dalka ku fadhiyo sifo sharci daro ah.

Waxa golaha markiiba ka dhex qarxey dood. waxa dooda iyo hogaaminta u kala dab-qaadayey Xildhibaan Indho, Xaaji Abdi-waraabe iyo Rag kale oo badan.

Ahmed Siilaanyo lagu yidhi, hadaad ogolaato inuu Saleebaan Dalka madaxweyne ku meel gaadha ka noqdo. adaa yaqaan meshaad ka dooni doontid kursigaad raadineyso.

Ugu yaraan lixbilood buu ku fadhiyaya labaddi gole iyo xukumadiina wuu isku qabsanaya halkaasna waxuu ka soo saari doona qodobo waafaqsan in isaga loo kordhiyo muddo sanad ah ugu yaraan.

kadibna waxa laga yaaba inuu isla ka sharaxo. sidaas baad ku wayeysa xukunka aad raadineysey 40 sano. Sidaas daradee ogolow in muddo korhdin la sameeyo xukumadda hadda joogta ee uu hogaaminayo Mudane Daahir Rayaale. Taaso ah in aan waqti la cayimin balse lagu saleeyo. Mudada ey dhameeyaan komishanku shaqadooda oo ey ugu horeysey Diwaan galintu.

#AHMED_SIILAANYO_IYODAREENKIISII

Halkaas markey mareyso xisibiga kulmiye wuu aqballey in la sameeyo muddo kodhinta aan waqtigeeda la cayimin kuna saleysan shaqadda komishanka.

Waxana loo sheegey, Ahmed Siilaanyo inuu la dardar galiyo shaqadda komishanka 4 bilood uu doonayo lagu keeno marxalad doorashaddu ku dhacdo.

Feysal isna waxa lagu qanciyey inuu isna 40 casho ee uu sheegeyo komishanka kala shaqeeyo sidey ku dhaceyso doorasho.

Markii madaxweyne Daahir Rayaale loo sheegey, Ayuu fahmi waayey, in iyadoo la cuskanayo Qodobka 83-farqadiisa 3-aad lagu sameynayo muddo korhdin. nuxurka qodobkaasian noqonayo. Madaxweynhu waxu xilka warejinaya.
#Qodobka_83_Farqadiisa_Saddexaad

''Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed''

Halkaas markey joogto, Waxa golaha guurtidda waqti badan ku qaadatey iney fahamsiyaan Madaxweyne Daahir Rayaale waar muddo korhidn baanu sameyneyna bilaa ( Mandate ah) Taaso aananu cayimeyn waqti kuna saabsan hadaba sidda shaqadda komishanku u qabto.

Saleebaan M Adan (Gaal) Waanu ka riixeyna kursiga oo rabo. Siilaanyo iyo Feysalna waanu soo ogoleysiiney ee naga aqbal. Waxey markaa Madaxweynah u taggey #Xaaji_Abdi_WAraabe iyo #Xildhibaan_Indho_Indho iyo xubno kale.

Waxa madaxweynahii aqablley in aan golaha beri oo khamiis ah aaney dhaafin muddo kordhintu. Halka Saleebaan rabo iney maalinta uu dib u dhigo ka dibna sabtidda la soo dhigo ( motion ah) Madaxweynuhu mar hadii uu muddo dhaafey dalka waxa doorasho gaadhsiinaya Gudomiyaha Golaha Guurtida..

Waxiba habeenkaas bey is bedeleen, markii Ahmed Siilaanyo iyo Feysal lagu qanciyey haddey xukunka ey Dahir Rayaale kala cararayaan oo aan waliba sharciga dastuurka Somaliland loogu heyn marxaladd aan degdeg aheyn in Gudomiyaha Golaha Guurtida loogu cumaamaddo madaxweyne ku meel gaadha doorasho dib u dhacdey darteed.

Maalintii khamiistii waxa khasab golahu kaga dhigey saleebaan oo ey is qabsadeen gudoomiye ku xigeenkiisa Golaha Guurtidda Mudane Siciid TImo weyne. In khasab golaha cod lagu galiyo lana sameeyo in Madaxweynuhu xilka wareejinayo maalinta doorashaddu dhacdo bil kadib.

Taaso noqotey muddo aan cayineyn oo ah ILAA MANSHA ALLAH. Taasi waxey keentey marka labadii gudoomiye xisbi saxeexeen. In wariye #Ahmed_Xassan_Cawke wareysi ka qaaddey Ahmed Siilaanyo iyo Feysal Cali wareebe kuna yidhi goorma ayey dorashaddu dhaceysa.

labaduba waxey ku jawabaan bey garan waayeen. Waayo waqti cayiman guurtiddu ma sameyn. Waxey kaga ururtey marka doroorashaddu dhacdo bil kadib ayuu Madaxweynuhu xilka wareejinaya. Kuna wareejinaya Madaxweynaha Cusub.

Aakhirkii waxey noqotey in dib la isula fadhiisto sidaas beynna kusoo gaadhey in Doorashadii Madaxweynaha Somaliland ku dhacdo (26 June 2010).

Mudane Saleebaan Mohamoud Adan Sidaas buu ku noqon waayey Madaxweynahii ku meel gaadhka ahaa ee Somaliland.  Sidaas baa golaha Guurtidu ku kordhiyey muddo kordhintii ugu mucjisadda badneydd abid ina soo marta.

labadda kelmadood ey la is weydaarsadey baa ahaa.

#Ahmed_Siilaanyo

Xaji_abdow doorashdii 2003 ayaad igu tidhi....Dhulbahante oo Maqan Samaroon Ha Raacinin.
#Xaaji_Abdi_Waraab.

Anba Doorashadii Golaha Guurtidda ee Saleebaan u tartamayey ayaad igu tidhi. Xaaji Abdow dhulbahante oo Maqan #Habarjeclo ha raacinin. anigoo raba shir gudoonka golaha xaqna u lahaa.

Dalkani Siddaas buu ku soo dhismey isu tanaasul iyo kaftan iyo wax wadda lahaansho. Maanta markaad eegto Somaliland waxa ka sii tagaya dhadhanka siyasaadeedd ee hogaaminta dalka taaso ku urureysa meel qudha.

Sidaas darteed waxa madaxweynaha laga rabaa inuu siyaasadda Somaliland ku soo celiyo wax tariikh leh oo sowrac iyo sinjiyadd leh.

Taaso jiilka danbe u akhirsan karaan taariikh isku dhafan oo ku saleysan tartan Somaliland dhexdeeda ah iyo isu tanaasul, Isqancin iyo waxwadda lahaansho siyasaadeed oo dadku wadda dareemaan xukumaddu iney tahey mid umadda u wadda dhex ah. Manfac iyo muqaalba.

Taasa dalku ku badbaadaaya dalkuan ku sii jiri karaya cid walba oo Somaliland la rabta hagardaamona lagaga adkaanaya.
#Faaaladda_Taariikhda
Siyasasadeed ee Somaliland.

Ambassador_Diinaari
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...