Meherka gabadhu miyuu kordhayaa?..W/Q Maxamed Cabdi Calihayaan

0
Monday April 06, 2020 - 20:18:19 in Articles by
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meherka gabadhu miyuu kordhayaa?..W/Q Maxamed Cabdi Calihayaan

    Meherku gabadhu miyuu kordhayaa?..W/Q Maxamed Cabdi Calihayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meherku gabadhu miyuu kordhayaa?..W/Q Maxamed Cabdi Calihayaan


Muuqaalkan hoose waa inan su'aal weydiinaysa Barnaamijka Sheekh Dirir suaalaha lagu weydiiyo ee uu daadihiyo Shabeel. Weydiinta inantu waxa ay u dhignayd macne ahaan sidan "Ninkayga marka aannu #muddo wada joogno, meherkaygii ma kordhayaa?" Sheekhu si kooban waxa uu ku jawaabay meherku isma beddelayo.

Image may contain: Maxamed Cabdi Calihayaan, selfie and closeup


Weydiintan ayaa intaan arkayay rag iyo dumarba si isku mid ah looga falceliyay. Taas oo ah in inantii lagu tilmaamay mid gebi ahaanba qaldanayd, suaashana waxa laga soo qaaday aan la is weydiin karin. "Ninkaaaga ma saami (share) ganacsi ah baad la gashay naa?" ayaa ka mid ahaa weedhihii canaanta ahaa ee inanta dusha lagaga tuurayay.


Anigu aragti taas ka duwan ayaan qabaa. Ugu horayn, meherku waa xaq diini ah oo gabadhu ku leedahay ninkeeda. Meherku waxa uu noqon karaa dahab, lacag, xoolo nool ama wixii kale ee ay gabadhu qabsato ninkuna ku raaco.


Waxa fiican in uu hore ka siiyo. Haddii kale waa dayn ninka ay ku leedahay. Haddaba ereyga aniga macnaha ii sameeyay ee ay gabadhu adeegsatay ayaa ah#muddo. Waxay tidhi "Haddii aad in muddo ah wada joogteen Ninkaaga." Weliba mar labaad ayay ku celinaysaa waqtigaa.
Ka soo qaad, muddadaasi in ay ahayd 25 sanno. Meherka ay ninkeeda ku heshiiyeen haddii uu ahaa: neef geel ah oo dheddig (hal) oo 5 jir ah. Haddaba haddii uu maalintaas ba neefka geela ah u soo iibin lahaa oo sayladda tegi lahaa waxa laga yaabaa in hasha qiimaheedu ahaa 400,000 shillin. Ma uu siinin oo 25 sano ka dib maanta ayay noqotay in uu meherkii bixiyo. Sayladda ayuu tegey. Neefkii geela ahaa ee dhexe waxa la siiyaa 4,000,000 (afar milyan) oo Shilin . Adigu xilliga uu doono ha keeno, waxa laga rabaa ninka neefkii geela ahaa ee lagu heshiiyay.


Haddaba, haddii ay lacag ku heshiin lahaayeen ka waran? ka soo qaad 200, 000 oo shilling, 25 sano ka dib maanta gabadhii ma waxa la siinayaa 200,000 uun. Jawaabtu waa maya. Sida daymaha raagay ee muddo badan ka soo wareegtay, muddadaas oo qiimaha lacagta uu ku yimi hoos u dhac (discount value) waxa la xisaabiyaa lacagtaasi wixii ay goyn karaysay waqtigaas. Markaa waxa qofkii daynta lahaa la siiyaa lacag gayn karta wixii ay lacagtaasi gayn karaysay waagaas.


Tusaale kale. Laba nin ayaa waqtigii dagaaladii sokeeye ee 1988kii kala amaahday lacag dhan 2000 oo Shilin. Laba kun maanta Hargeysa baska ayaa lagu raacaa waxase laga yaabaa in waagaas ay kuu goynaysay gaadhi second hand ah oo taxi ah. Si qofkaasi dayntaa u bixiyo waxa la xisaabinayaa inta gaadhiga second hand ka ah maanta la siisto.


Sheekha Muftiga ee Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir in ay hoos martay baa laga yaabaa ee mar kale suaasha ha la weydiiyo.


Wa billaahi tawfiiq.
Adigu nala wadaag sida aad u aragto.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...