Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Magaalooyin Ay Ku Sugan Yihiin Dad Looga Shakisan Yahay Coronavirus

0
Monday April 06, 2020 - 19:36:46 in News by
  • Visits: 3401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Magaalooyin Ay Ku Sugan Yihiin Dad Looga Shakisan Yahay Coronavirus

    Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Magaalooyin Ay Ku Sugan Yihiin Dad Looga Shakisan Yahay Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Magaalooyin Ay Ku Sugan Yihiin Dad Looga Shakisan Yahay Coronavirus



Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in saddexdii qof ee dhawaan dalka Jabuuti sheegtay in ay ka heshay cudurka Karoona Fayras ee dhinacan Somaliland ka tagay ay deegaamadii ay sii mareen mudadii ay ku sii socdeen dalka Jabuuti dadka qaarkood lagu arkay astaamo ay ka mid tahay xummad badan walina ay baadhitaano ku wadaan.




Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo shalay ka hadlayay Kulan ay Guddida ka hor tagga cudurka Karoona Fayras qasriga Madaxtooyada kula yeesheen Ganacsatada waaweyn ee qaadka keena dalka ayaa waxa uu sheegay in ay xummad badan ku arkeen dadyow kala duwan oo xummad badan leh oo ku kala sugan Magaalooyinka Wajaale, Boorama, Ceel-gaal illaa Saylac magaalooyinkaasi oo ahaa dhulkii ay sii mareen saddexdii qof ee Jabuuti u gudbay ee la sheegay in ay qabeen cudurka Karoona Fayras.


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo arrintaasi faahfaahinayaa waxa uu yidhi: "Waxa aannu haynaa dad halkan Somaliland ka tagay oo dalka Jabuuti tagay oo iyaga laftoodana laga helay oo saddex qof ka kooban. Waxa aanu dib u raacnay dadkaasi meel allaale iyo meesha ay sii mareen. Qolada Jabuuti u gudubtay, waxa aannu ogaanay Togwajaale, Boorama, Ceel-gaal iyo Saylac, saddexdaa qofba inta ay tageen in ay seexdeen. Meelahaa ay tageen dad xummad leh baa meelahaasi ay mareen qaarkood laga helay. Wali waynu ladanahay awooddeena iyo tamarteennuna way yar tahay. Sidaa darteed waxaan doonaynaa in aan ka wada tashano marka ugu horraysa. Sidee baynu u yaraynaynaa dhaqdhaqaaqiisa oo aannu annagu ku talinayno kow in marka qaadku Tog-wajaale isa soo taago gawaadhida halkaa lagaga rogo raaciga iyo darawaliinta waddanka in halkaa lagaga rogo. Gawaadhi aad idinku leedihiin oo dadka wadana la hubaa ay soo qaadaanā€¯.


Wasiirka Arrimaha Guduhu ma faahfaahin dadka xumadda laga helay tiradooda, xummaddu in ay tahay tii xanuunkan lagu yaqaanay, goobaha ay joogaan iyo xaaladooda sida ay ula tacaalayaan dadkaasi balse waa xaalad walaac leh oo aad mooddo in xukuumaddu wax badan umadda ka qarinayso iyada oo aan labadii qof mooyee illaa hadda wax kale oo rasmi ah sheegin taa baddalkeedana walaac xooggan umaddu qabto.

 


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...