Afhayeenka Madaxtooyada Oo Sii Adkeeyey Hanjabaadihii Uu Qurbajooga U Diray
Hargeysa(HWN):-Afhayeenka madaxtooyada somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa ka hadlay ujeedada uu ka lahaa hanjaabadihii uu u diray qurba jooga somaliland.
Afhayeen Maxamuud Warsame oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ku celiyey inaan qurba jooga somaliland laga aqbalayn inay ku kacaan waxyaabo ka soo horjeeda somaliland, isaga oo xusay inaanay xukuumadu indhaha ka qarsan doonin cida falalka aanay jeclaysan ku kacaysa.
Afhayeen Maxamuud Warsame ayaa mar kale qurbajooga ku wargeliyey inaan laga aqbalayn inay somaliland ka sheegaan waxyaabo ka soo horjeeda, waxaanu yidhi "Hadalkaygu waxa uu daaranaa inaan ku baraarujiyo inay qarankooda ilaashadaan iyaguna ay bulsho midaysan noqdaan waxaanan u jeeday kuwa sida xun wax u sheega ama dalkooda uu cadawgu u soo adeegsanayo ama ka waramaya wax aan dalkooda ka jirin inaanay ahayn dad indhaha laga qarsanayo, Waa inay yeelaan wixii waajib dalkoodu ugu leeyahay wixii aanay ugu lahayna aanay yeelin”
Sidoo kale afhayeen Maxamuud Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Sida muwaadinka dalka gudihiisa jooga aan looga aqbalayn wax qaranimada iyo dalkiisa wax u dhimaya ayaan qurbajoogana loo aqbalayn.”
afhayeenka socod baradka ah ee madaxtooyada somaliland ayaa u muuqda inuu wali ku sii adkaysanaya fulinta hanjabaadihii uu hore ugu diray qurbajooga somaliland, kuwaas oo uu sheegay in hadii ay mucaaridnimada joojin waayaan lagu hubsan doono xabsiyada dalka marka ay wadanka yimaadaan.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland