Salaadiinta Somaliland Oo Midnimada Hargeysa Iyo Muqdisho Ka Shaqaynaya Iyo Doorka Raysal Wasaare Khayre
Hargeysa(HWN):-Tan iyo markii ay dhawaan soo shaac baxeen guux iyo sawaxan ka soo yeedhay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus Madaxda dhaqanka Somaliland, kaasi oo ay shaaca kaga qaadeen hadallo bulshada shaki weyn ku dhaliyay oo la xidhiidha qaddiyadda Somaliland iyo Soomaaliya dhex taalla qaarkoodna si cadba u sheegeen in Somaliland iyo Soomaaliya aanay wax dhibaato ahi dhex oolin ee Siyaasiyiintu kala fogeeyeen ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo sheegaya in Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu yahay kan dabada ka riixaya shirqoolo hoose oo lagu halabsanayo Madaxdhaqameedka iyo acyaanta kaleba ee Somaliland.
Ilo Xog-ogaal ah oo wargeyska Foore helay waxa ay sheegayaan in xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya diyaariyay qorshe gaar ah oo lagu wajahayo Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Somaliland si loogu soo xero galiyo wax loogu yeedhay isu soo dhawaanshaha umadda Soomaaliyeed taasoo ku soo beegmaysa maalmo kooban uun kadib markii Magaalada Muqdisho dhawaan lagaga dhawaaqay qorshe xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wajahayso Arrinta Somaliland kadib markii Madaxweynaha dawladdaasi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu jeediyey khudbad uu ku sheegay in dawladdiisu raalli gelin ka bixinayso wixii magaca dawladdii Soomaaliya ku soo gaadhay dadka reer Somaliland sidoo kalena ay sheegeen in la dardar galin doono wada hadalladii hakadka galay muddoda.
Inkasta oo duruufaha adag ee ka dhashay la tacaalidda cudurka Koroona Fayras ay dunida oo dhan saamaysay gaar ahaan xukuumadda Villa Somalia oo ka hor taggiisa aad ugu mashquulsan haddana waxa muuqata in dadaalo xooggan oo dawladdaasi waddo lagu diyaariyay qorshe sanduuq lacageed oo gaar ah loogu qoondeeyey si uu u sii socdo mashruuca is dhex galka ee ay hore u soo bilowday dawladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo uu Turkigu ka caawin jiray ama hindisihiisa lahaa taasi oo ku wajahan in xidhiidho hoose lala sameeyo madax-dhaqameedka iyo dadka kaleba gaar ahaan dadka caanka ah ee Bulshada saamaynta ku leh kuwaasi oo dhaqaale gaar ah loogu qori doono sidii ay Bulshadooda ugu dhex faafin lahaayeen aragtiyo la xidhiidha isu soo dhawanaansho iyo in Shacabka Somaliland ugu dambayn noqdaan kuwo u janjeedhsama dhinaca midnimada iyo xaalado lagu laciifiyo heerka qaddiyadda Somaliland.
Xubno kasoo jeeda Somaliland oo xilal sare iyo kuwo hooseba ka haya dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiska Ra’iisal Wasaaraha kala shaqayn doona mashruucan oo tallaabo weyn hore ugu qaaday maadaama uu wakhtigan doonayo in uu si weyn u saameeyo madaxda dhaqanka ee waaweyn oo la ogyahay doorka ay Bulshada ku dhex leeyihiin waana khataro halis ah oo u baahan feejignaan iyo taxadar badan oo ay dawladdu ku eegto indho gaar ah.